Dib u dhac ku yimid ku soo laabashada Eritrea ee IGAD | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dib u dhac ku yimid ku soo laabashada Eritrea ee IGAD
September 12, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Waxaa dib u dhacay ku soo laabashada ay Eritrea ku soo laaban lahayd xubinnimadeedii urur goboleedka IGAD ee la filayey in ay maanta dhacdo, sida uu qorshuhu ahaa.

Waftigii Eritrea ayaan imaanin madasha shirka, Waxaa kale oo aan soo xaadirin madaxweyne Isaias Afwerki.Lama sheegin sababta dib u dhaca

Eritrea iyo madaxda dalalka IGAD midkoodna kama aanu hadlin.

Laakinse xoghayaha guud ee IGAD, Maxbuub Macallim oo BBC la hadlay ayaa yidhi “waa arrin wakhti uun ku xidhan. Heshiisku wuu dhacay, waxaa kaliya ee dhiman in lagu dhawaaqo”.

Shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

Heshiiska ayaa dhigaya in Mr Kiir uu ahaan doono madaxweynaha, halka Mr Machar uu ka mid noqon doono shan madaxweyne ku xigeen.

COMMENTS
LINKS