Sheekada Warshaduhu Ma Intaas Uunbaa Mise Way Ka Fog Tahay?Qalinkii Prof Cabdi Cali, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekada Warshaduhu Ma Intaas Uunbaa Mise Way Ka Fog Tahay?Qalinkii Prof Cabdi Cali,
September 12, 2018 - Written by Editor:

Warshadaha cashuurbay xukuumadda cusubi ku soo rogtay, taasoo culays ku ah iyagoo marka horeba iska witig-witig lahaa; ilaa 50 bay ahaayeen; ilaa 25 baa xidhmay; ma ka warhayaan qolada xukuumaddu?; mise lacag uun baa la day-dayayaa?;

 Haddii Aad cashuur rabto, kori warshadaha oo waxtar, si aad dhaqaale u hesho; maxaa yeelay, hadday xidhmaan, maxaad cashuuri?; marka dhaqaale la helo, ayaa lacag cashuur ah adna aad helaysaa. Horta wax ma ka waydiisay cidda xogogaalka u ah; annagaa Jaamacadda ku dhigna xaaladda warshadeheenna, xogogaalna u ah; waa haddii la rabo.

 Markii culayska cashuurta lagu soo rogay, halkii lagu xigsiin lahaa tallaabo ka farxisa, sida in wax kale loo fududeeyo, ayaa haddana tallaabo kale oo lagu baadhayo lagu xigsiiyay; haa, waa tallaabo loo baahan yahay; laakiin waxan u jeedaa Laba tallaabo oo adag waligaa ha isku xigsiin; u dhaxaysii mid waxtar ah; haddii kale dawladdu ma culays uun bay soo kordhisay; mee waxtarkeedii?; mee hogaankeedii? Mise sheekadu intaa ka fog?!!!! Way iska soo bixi!!!!

 QALINKII Prof Cabdi Cali Jaamac C: u dhaq-dhaqaaqaa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga.

 

COMMENTS
LINKS