Gobollo badan oo Maraykan ah oo xaalad degdeg ah lagaga dhawaaqay
September 13, 2018 - Written by Reporter:
Dad lagu qiyaasay 1.7 milyan oo ruux ayaa hadda lagu amray in ay guryahooda isaga huleelaan iyadoo qaarkood ikhtiyaar loo siiyay inay guuraan kuwo kalana lagu qasbayo guuritaanka.
Awoodda duufaanta Florence ayaa yaraatay iyadoo darajada labaad noqotay.
Xarunta Qaran ee Duufaanta ee magaceeda loo soo gaabiyo NHC ayaa sheegtay in dabaysha iyo roobka oo bata ay keensan karaan daadad masiibo ah.