Dhinacyadii Suudaanta Koonfureed ku dagaalamayay oo heshiiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhinacyadii Suudaanta Koonfureed ku dagaalamayay oo heshiiyay
September 13, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dhinacyadii ku dagaalamayay Suudaanta Koonfureed ayaa kala sixeexday heshiiskii ugu dambeeyay ee awood qaybsi ah, kaas oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaaddii ba’nayd ee sokeeye ee shanta sano soo jiitamaysay.

Xafladda oo ka dhacday caasimadda Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa dabo socotay heshiis ay bishii hore kala sixeexdeen madaxweyne Salva Kiir iyo ninka ay sida wayn isaga soo horjeedeen ee Riek Machar.

Machar ayaa hadda noqon doona mid ka mid ah shan madaxweyne ku xigeen, waxaana loo arkaa in la samayn doono dawlad ku meel gaadh ah oo sal ballaadhan.

Heshiis nabadeed oo sidan oo kale loo gaadhay saddex sano ka hor ayaa ku burburay bilo gudahood, arrintaas oo Suudaanta Koonfureed ku sii fogaysay colaadda.

 

COMMENTS
LINKS