“Suurta Gal Ma Aha In Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanku Ay Dib Uga Dhacaan Wakhtigoodii”.Axmed Yuusuf Yaasin | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Suurta Gal Ma Aha In Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanku Ay Dib Uga Dhacaan Wakhtigoodii”.Axmed Yuusuf Yaasin
September 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweyne ku-xigeenkii hore Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa uu si adag uga hadlay qabsoomida doorashooyinka soo socda ee Wakiilada iyo deegaanka, Isagoo sheegay in aanay suurta gal ahayn in wakhtigoodii ay dib uga dhacaan doorashooyinkaasi oo loo qoondeeyay in horaanta sanadka soo socda ay ka qabsoomaan dalka.

Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxa uu Madaxweyne Muuse Biixi u soo jeediyay in uu Maxkamada sare uu u gudbiyo si xeerkii hore ee lagu doortay golaha wakiilada lagu galo doorashadaasi, Sidoo kalena waxa uu Madaxweynaha u soo jeediyay in uu tix geliyo oo uu dhagaysto cabashada ka soo yeedhaysa shacabka ee ku aadan saami qaybsiga xukuumadiisa.

Dhinaca kale Axmed Yuusuf Yaasiin ayaa waxaa uu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku diriraya koonfurta gobolka Sool, isagoo labada dhinac ugu baaqay inay nabad geliyada qaataan

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/XDHXdUh9eJk

 

COMMENTS
LINKS