Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO oo Ka Wada Hadlay Arimo Ku Saabsan Hawada | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda ICAO oo Ka Wada Hadlay Arimo Ku Saabsan Hawada
September 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa uu kulan la qaatay madax ka tirsan hay’adda duulista hawada ee ICAO.

Wasiirka gadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya oo magaalada Montréal kulan kula yeeshay madax ka tirsan hay’adda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobay  oo uu hogaaminayay Agaasimaha qeybta farsamada iyo Kaalmada ee hay’adda ICAO (TCP) Jorge Vargas, iyagoo ka wada hadlay arimo ku saabsan hawlaha ay hay’addu ka wado Soomaaliya iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeyn ka dhexeeysa wasaaradda duulista hawada Soomaaliya iyo hay’addaasi.

Mr. Jorge Vargas ayaa dhawaan loo magacaabay xilkaasi, iyadoo la badalay agaasimihii hore oo ku eedeysnaa falal la xidhiidha musuq-maasuq.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dib loogu bilaabi lahaa mashaariicda ay hay’adda ICAO ka fulin jirtay Soomaaliya oo ay hore dowladda Soomaaliya u hakisay, kadib markii ay dowladdu sheegtay in mashaariicdaasi loo maamulayay hannaan qaldan islamarkaana la musuq-maasuqayay mashaariicda.

Madaxda ayaa isku afgartay in mashaariicdaasi oo isugu jiray Tababarro iyo dhismaha garoomada diyaaradaha ay hay’addu dib uga bilowdo Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa kulanka intii uu socday looga hadlay in dib loo tayeeyo qalabka casriga ah ee lagu rakibay garoonka diyaaradaha Muqdisho ee lagu hago diyaaraha ee loo yaqaan (CPDLE), iyadoo dowladda Soomaaliya ay hay’addu ka dalbtay in xal deg deg ah loo raadiyo sidii looga gudbi lahaa isticmaalka mishiino ay hay’addu maamusho oo dab siiya garoonka, kuwaasoo ay bishii ku baxdo lacag dhan $11,000, waxaana dowladdu dalbatay in ay iyagu soo iibsato Mishiinadaasi si kharashaadkaasi u yaraadaan.

Kulanka oo uu ka qeybgalay agaasimaha waaxda dakhliga wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo ay noqoneeyso markii ugu horaysay oo ay wasaaraddu wafti u dirto arimahaasi ayaa diiradda lagu saaray sidii is xisaabin loogu samayn lahaa (Audit) mashaariicda ay hay’addu ka fulisay Soomaaliya shanti sano ee ugu danbeeysay iyo halka uu maro dhaqaalaha kasoo xarooda, arintan oo noqoneysa mid ay wasaaraddu ku dooneeyso in ay kula socoto dhaqaalaha kasoo xarooda hawada Soomaaliya oo ay mudo dheer maamulaysay hay’adda ICAO.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya Mudan Maxamed C/laahi Salaad “Oomaar” ayaa waxa uu heegay in madaxdu ay isku af-garteen in ugu danbayn 15-ka bisha October ee sanadkan la xidho xafiiska qaabilsan hawada Soomaaliya ee ka furan Nairobi, qalabka yaalna loo raro Soomaaliya ugu danbeyn 01- December ee Sanadkan.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay rajo weyn ka qabaan marka la dhameystiro howlaha lagu tayeynayo qalabka haga diyaaradaha ee ku rakiban xarunta maamulka hawada Soomaaliya ee Muqdisho in Soomaaliya ay kaalmaha hore ka geli doonto dhanka duulimaadyada, dhaqaala badanna uu kasoo xaroon doono.

Dowladda Soomaaliya ayaa la wareegtay maamulka hawada bishii December ee sanaddii 2017 kadib mudo dheer oo ay maamulaysay hay’adda ICAO, wallow ay hay’addu weli maamusho qeyb kamid ah dhaqaalaha kasoo xarooda hawada Soomaaliya.

ICAO1 ICAO2 ICAO3 ICAO4 ICAO5 ICAO6 ICAO7

 

 

COMMENTS
LINKS