Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Mujaahid Jaamac Nuur Xasan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qayb-Galay Aas Qaran oo Loo Sameeyey Marxuum Mujaahid Jaamac Nuur Xasan
September 13, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay aaska marxuum Jaamac Nuur Xasan Warfaa oo kamid ahaa waxgaradkii waqtiga badan geliyey sidii ay Somaliland u horumari lahayd.

Madaxweynaha oo ay wehelinayaan saraakiil katirsan goleyaasha kala duwan ee qaranka, waxgarad, culimo, madax-dhaqameed iyo boqollaal katirsan shacabka reer Somaliland, ayaa salaadda Janaasadda aaska marxuum Jaamac Nuur Warfaa oo lagu aasay xabaalaha Baqiic ee waqooyiga caasimadda Hargeysa ka qayb-galay, waxana si mug leh looga sheekeeyey doorkii shariifka ahaa ee uu marxuumku kaga jirey bulshada iyo sidii uu tusaalaha ugu ahaa wanaagga iyo wax-bixinta.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu dhinaciisa ku dheeraaday sifooyinkii wanaagsanaa ee uu marxuum Jaamac Nuur Xasan caanka ku ahaa iyo sidii uu maalkiisa iyo maskaxdiisaba u geliyey horumarka bulshada reer Somaliland, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Marxuum Jaamac Nuur waxa uu ahaa nin inta Bani’aadam wanaag leeyahay wanaag leh, haddii ay deeq tahay, haddii ay caddaalad tahay iyo haddii ay halgan tahayba, waxana uu ahaa dadka wanaaggooda la isku raacsan yahay, Baayac-mushtar buu soo bilaabay oo taajir weyn buu noqday, haddana wixiisii waxa uu ku bixiyey danta guud iyo halkii la yidhi dadka danta yar wax halla siiyo, illaa uu markii dambe noqday nin aan xoolo haynin oo wixiisii dadka u huray.”

 

AASKA MUJAAID JAAMAC NUUR1 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR2 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR3 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR4 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR5 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR6 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR7 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR8 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR9 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR10 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR11 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR12 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR13 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR14 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR15 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR16 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR17 AASKA MUJAAHID JAAMAC NUUR19

 

COMMENTS
LINKS