“Shacabku Hadii Ay Raali Ka Yihiin Waala Bedeli Karaa Calanka Itoobiya”.Abiy Ahmed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Shacabku Hadii Ay Raali Ka Yihiin Waala Bedeli Karaa Calanka Itoobiya”.Abiy Ahmed
September 13, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo maanta qaar ka mid ah warbaahinta dalkaasi la hadlay ayaa waxa uu sheegay in calanka dartii aan loo baahnayn iney rabshado iyo iska hor imaadyo dalka uga dhacaan.

Bilihi la soo dhaafay muwaadiniinta dalka Itoobiya waxay bannaan baxyada ay sameeynayeen u adeegsanayeen calamo kala duwan oo isugu jira kan dalka oo dhowr nooc ah.

Image result for abiy ahmed

Maalinti shalay ahaydna waxaa magaalada Addis Ababa isku gacan qaaday taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF iyo dhalinyara ka soo horjeedda. Taageerayaasha jabhadda oromada ee OLF oo isku dayay calanka dalka meela uu ku buufsanaa iney ku beddelaan calanka jabahadda OLF ay leedahay halkaasina iska uu isku dhac ka dhashay.

Booliska dalka Itoobiyana waxay sheegeen iney jiraan dhaawacyo rabshadahaasi ay sababeen.

Sabtida ayaa lagu wadaa iney jabhadda OLF in magaalada Addis Ababa si rasmi ah looga soo dhaweeyo.

Dr Abi Axmed wuxuu sheegay calanku inuu yahay astaan uu dal ama xisbi siyaasadeed uu u adeegsado in lagu aqoonsado, cid walbana waxay xaq u leedahay iney aragtida siyaasadeed ee ay aminsan tahay ay si xor ah u soo bandhigto, xorriyaddaasina waxaa ka mid ah calanka.

“Mareykankaba calankiisa wuxuu calankiisu beddelay ilaa iyo 13 jeer marka Itoobiyana haddii ay muwaaddiniintu dalka raalli ka noqdaan waa la beddeli karaa”.ayuu yidhi Abiy Ahmed

“Waa ineynu ka fikirnaa oo keli sidii dalka aan horumar u gaadhsiin lahayn nolasha dadkana aan wax uga beddeli lahayn, ma aha inaan ku mashquulno waxyaabo aan dalka wax ku soo kordhineyn oo weliba burbur u horseedi kara”.

 

COMMENTS
LINKS