Waari Mayside War Ha Kaa Hadho ;Muj Jaamac Nuur Xasan.( AHN ). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Ha Kaa Hadho ;Muj Jaamac Nuur Xasan.( AHN ).
September 13, 2018 - Written by Editor:

Marxuum Muj Jaamac Nuur Xasan Warfaa Waxa uu Ka mid ahaa Ganacsatadii Ka Qeyb Qaadatey Doorka Dhismaha Somaliland Nabadaynta Dib u heshiisiinta iyo Halgankii SNM Waxa uu Ku Dhashey Sanadii 1945kii Degmada Tog-Wajaale Waxaanu kamid ahaa Ganacsatadii ka hanaqaadey Tog-Wajaale iyo Alleybadey Sanadihii Toddobaatanaadkii, Ganacsigii Xoolaha iyo Bucsharadaha kala duwan isagoo isla Sanadahaa usoo Wareegay Caasimada Hargeysa oo uu Kamid noqdey Ganacsatadii ugu Dhaqdhaqaaqa Roonaa Wakhtiyadaa uguna aaminsanaa Ilaa Sanadihii 1988kii.

muj marxuum jaamac nuur

Xiligaas oo Dawlladii Milatariga aheyd ee Siyaad Barre oo marar badan oo Hore taxaabtey Sida Sanadihii 1984kii ilaa 1985kii Wakhtigaas oo ku Beegnayd Dagaalkii Ay Ururka SNM kusoo galeen Buuraha Silsilada Golis inkastoo lasii daayay islamarkaana, uu ka badbaadey Xadhigyadaa hore Waxa ay Mar kale Dawlladii Milatarigu u Taxaabtey Xabsiga Mandheera Maalmo ka hor Wakhtigii Xoogaga SNM soo galeen Magaalada Burco.

Haseyeeshee, mar kale ka badbaadey Xadhigaas oo isaga iyo Ganacsato kale Loogu xukumey Dil Toogasho ah Iyaddoo lagu eedeeyay in ay Sitoos ah U taakuleeyaan ulana Xidhiidhaan Ururkii SNM Waxaana Xabsigaasi ka jabiyey Ciidamo uu watey Mujaahid Maxamed Cali Faarax oo ku magac dheeraa(Maxamed-Cali).

Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Marxuum Jaamac Nuur Xasan Tan iyo intii ka Dambeysay Markii uu ka badbaadey Xabsigaa uu Dilka ugu xukunaa Waxa uu Doorkiisa Odeynimo iyo Doorkiisa Dhaqaale kaalin Mug iyo Miisaan leh kaga soo qeyb qaadatey Qeybihii Dambe ee Halgankii Dib u Xoreynta SNM oo uu naf iyo Muruq iyo Maalba u hurey.

Waxaanu Kamid ahaa Odoyaashii Bud-dhiga u ahaa taageeradii Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Gabiley Doorashooyinkii kala Duwanaa ee dalka kasoo qabsoomay Wakhtiyadii Madaxweyne Siilaanyo u tartamayay Kursiga Talada Dalka ee Laba Doorasho Madaxtooyo 2003dii ilaa 2009kii Oo uu qeyb kasoo noqdey Taageeradii Gobolka Gabiley uu Xiligaa ka helay Siilaanyo isagoo marxuunku ku Xidhiidhin jirey.

Allaha Naxariistii jano haka Waraabiyee Marxuum Jaamac Nuur Xasan oo Mudooyinkan Dambe u jiifey Xaalad Xanuun oo Waxa uu Ifka kaga taggey 14 Caruur ah iyo laba Xaas

ILaahay ha u naxariisto Jaamac Nuur Xasan Ehelkiisii iyo guud ahaan jamhuuriyada Somaliland na samir iyo imaan ha ka siiyo.

Xuquuqda qoraalkan: Cabdiraxmaan Hiiraan

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS