Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duufaanta Florence oo ku dhufatay Maraykanka
September 14, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Duufaantan ayaa kusoo aaday xilligii la saadaaliyay galinka dambe ee maalinta khamiista ah kuna dhuftay gobolka North Carolina.

Waxay sheegen inay filayeen daa’dad nolosha khalkhalgelinaya oo ka dhasha roobabka iyo dabeylaha sare u sii kacaya.

Xarunta qaran ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ lahayn islamarkaasna ay halkii saacba ay jareyso dhul ballaardhan oo dhan 165 kiloomitar.

Duufaanta florence

Waxayna intaasi ku dartay in ay filayso in isbedel yar uun ku yimaaddo inta aysan gaadhin xeebaha.

In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa la qorsheynayaa in laga daad gureeyo gobollada South iyo North Carolina, maryland iyo Virginia.

Mike Sprayberry oo ah madaxa ha’yadda North Carolina Emergency Management, oo dadka ka caawisa sida ay uga jawaabi lahayeen masiibooyinka inay khibrad ka heleen duufaantii dhacday sanadkii 2016-kii ayna yaqaanan sida loo daad gureeyo dad aad u tiro badan.

Madaxweyne Trump ayaa saxeexay amarro badan oo ku aaddan gurmadka deg dega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan badhasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta.

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa 30 markab u diraya badda si ay xaaladda ula socdaan islamarkaasna uga qayb qaataan dadaallada samata bixinta waa haddii duufaanta ay xeebaha dalkaasi ku dhufato.

 

COMMENTS
LINKS