Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xubno Kale oo Maanta Markale Maxkamad La Soo Taagay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xubno Kale oo Maanta Markale Maxkamad La Soo Taagay
September 14, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Madaxweynihii hore ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubno kale oo ka tirsanaa xukuumadiisa ayaa waxaa markale maanta la hor geeyey maxkamad.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xadhig aan loo meel dayin, jidh dil iyo ku takri fal awoodeed, waxaana uu beeniyay eedahaas iyo in uu gaystay dhibaatooyinkaas.

Qaadigii kiiska Cabdi Maxamuud Cumar qaadayay ayaa markii maxkamada la horkeenay waydiiyay su’aalo ay ka mid ahayd in ay jirto jidh dil loogu dhex geysto jeelka, waxaanu xusay in aanay waxba ka jirin, hasayeeshee ay jiraan niman ugu dhex hanjaba Jeelka dhexdiisa.

Sidoo kale Cabdi Maxamuud Cumar iyo xubnihii kale ayaa waxa ay codsadeen in Salliga lagu tukado iyo waliba salaadahooda wax laga qabto, isla markaana loo ogolaado, iyada oo la geynayo meelo nadiif ah, halka sidoo kalena ay codsadeen in waxlooga qabto cuntooyinka loo keenayo maadaama ay badhkood qabaan cudurada Dhiig karka iyo macaanka.

Dhinaca kale dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa dib loo dhigay muddo 14 cisha ah.

Halkan hoose ka dhagayso faah-faahinta warkan

 

COMMENTS
LINKS