Maalin Walba Waxa Kusoo Maraya Waxyaalo Aad Ku Cibro Qaadato, Oo Qofkii Caqli Leh Waanno Ugu Fillan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maalin Walba Waxa Kusoo Maraya Waxyaalo Aad Ku Cibro Qaadato, Oo Qofkii Caqli Leh Waanno Ugu Fillan!
September 14, 2018 - Written by Editor:

Maxa Casharo ku soo maray oo aanad waxba ku qaadanayn, qalbi adaga dadku, maalin walba waxba la tusaa oo la leeyahay wax ku qaata, quraanka waxa ku jira aayado badan oo uu ilaahay ku leeyahay miyeydaan waxba ku qaadanayn.

CABDI ILAY

Cabdi Maxamed Cumar saaka markii maxkamada la keenay waxa uu sheegay in aan la jidh dilin balse loo hanjabay, haseyeeshee waxa uu dalbaday in salaadda jimce ku tukadaan.

barkhad-ladiif

Cabdi Iley Dad badan waxa uu ku laayey wadaadnimo, waxa uu madarasadaha ku eedeen jirey Alshabaabnimo iyo argagixiso in lagu barto, sidaas darteed buu deeegaanka uga tirtirey goobihii diinta lagu bari jirey, askartiisa waxa tobabarka loo raacin jiray inay diinta caayaan oo xiitaa iyagoo kaftamaya ayey diinta si ku dheeldheel leh ku caayi jireen, askartiisu may tukan jirin oo salaad iyo cibaado way kala fogaadeen, maanta markii la xidhay buu alla xasuustay oo uu dalbaday inuu salaadda tukaddo, culimo badan oo jeelka laga soo daayey waxay sheegeen in si ka duwan sida dad kale ee xidhan iyaga loo ciqaabi jirey yacnihii culimaad tihiin.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR

COMMENTS
LINKS