Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoys Iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Marxuum Axmed Caydiid Warsame Oo Hargaysa Ku Geeriyooday, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoys Iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Marxuum Axmed Caydiid Warsame Oo Hargaysa Ku Geeriyooday,
September 14, 2018 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay  Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Caydiid Warsame oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 14/09/2018, Magaalada Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsi yadaynayaa geeridaasi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo uu aabihii ahaa Marxuumku. waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday qaranka ka baxay door muhiimana ka soo qaatay nabadayntii iyo dib-u-dhiskii dalka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

COMMENTS
LINKS