Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo Soo Dhameeyay Waxbarasho Dibadeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland oo Shahaadooyin Gudoonsiiyey Saraakiil Ka Tirsan Ciidanka Qaranka oo Soo Dhameeyay Waxbarasho Dibadeed
September 15, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shahaado-sharafyo ku maamuusay lix sarkaal oo kasoo qalin-jabiyey jaamacado dibadda ah, kuwaas oo qaarkood kaalmo sare ka galeen jaamacadihii ay wax kasoo barteen.

Madaxweynaha oo uu wehelinayo madaxweyne-ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), taliyaha ciidamada qaranka sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil, xubno kamid ah golaha wasiirrada, ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyey lix sarkaal oo dhawaan waxbarashada heerka sare ee jaamacadda kasoo bartay dalalka dibadda, islamarkaana ay tiro kamid ahi billado dahab ah ku mutuysteen kaalmo sare oo ay galeen.

Ugu horrayn taliyaha ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo ugu horrayn madasha lagu maamuusayey saraakiishan ciidanka qaranka katirsan hadal kooban ka jeediyey, ayaa ka warbixiyey muhiimadda ay saraakiishani ciidanka qaranka u leeyihiin iyo sida ay ugu faraxsan yihiin kulanka uu madaxweynuhu ku maamuusay, waxana uu yidhi, “Madaxweyne nimankani way dedaaleen oo kaalmo sare ayey ka galeen kulliyado ay umaddo badani ku jireen, iyagana waxa farxad u ah inay maanta madaxweynahoodii hor joogaan oo in la ogyahay ay ogaadaan, adiga oo ciidanka aqoon ugu lahaa maantan madaxweyne ah.”

Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf oo isaguna madasha saraakiishan lagu maamuusayey ka hadlay, ayaa madaxweynaha uga mahad celiyey muhiimadda uu ciidanka siiyey iyo sida kasha furan ee uu u qaabilay saraakiisha waqtiga badan geliyey inay heerkooda aqooneed kor u qaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna dhinaciisa sharraxay muhiimadda ay qaranka u leedahay sida ay saraakiishani magacii iyo maamuuskii dalka iyo kii dadkaba kor ugu qaadeen, isaga oo si weynna ugu mahad celiyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Aad iyo aad baan u hambalyeynayaa saraakiisha billadaha dahabka ah kusoo qalin-jabiyey, qarankana waxa ugu magac weyn ninka fagaare caalami ah wax dalka lagu xasuusto kasoo saaro, qaran ahaanna aad iyo aad baa la idiinku xasuusan doonaa guushaas aad maanta keenteen ee sharafta, diblomaasiyadda, magac, aqoon iyo maamuuska militeriba ah.”

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu halkaas shahaado-sharafyo uu ku maamuusayo, uguna mahadnaqayo guddoonsiiyey lixdan sarkaal ee katirsan ciidamada qaranka, kuwaas oo magacyadoodu kala yihiin: Gaashaanle Axmed Ciise Axmed, Gaashaanle Siciid Aadan Cabdi, Gaashaanle Maxamed Daahir Jibriil, Gaashaanle Axmed Dagaal Dhimbiil, Gaashaanle Cabdikariin Maxamed Yuusuf, Dhamme Mustafe Cali Maxamed.

Madaxweyne Muuse 1 madaxweyne Muuse2 Madaxweyne Muuse3 Madaxweyne Muuse4 Madaxweyne Muuse5 Madaxweyne Muuse6 Madaxweyne Muuse7 Madaxweyne Muuse8 Madaxweyne Muuse9 Madaxweyne Muuse10 Madaxweyne Muuse11 Madaxweyne Muuse12 Madaxweyne Muuse113

 

COMMENTS
LINKS