Akhriso: Nuxurka War-saxaafadeed Uu Soo Saaray Madaxweyne Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Akhriso: Nuxurka War-saxaafadeed Uu Soo Saaray Madaxweyne Muuse Biixi
September 15, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-197/092018, waxa uu derajo ciidan oo ah dalacsiin Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadd Somaliland, lana siiyey derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle oo uu madaxweynuhu hore balan qaad ugu sameeyey mar uu ka qayb-galay qalin-jebintii Jaamacadda Hargeysa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Bixin Derajo

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad;

Markaan Garwaaqsaday: Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee ay Ciidanku u hayaan dalka;

Markaan Ku Qancay: In bixinta Derajadu ay kor u qaadi doonto milgaha, sharafta iyo haybadda Dawladnimo;

Markaan Tixgaliyey: Hawl-karnimadiisa, Dedaalka iyo Daacadnimadiisa;

Waxaan Go’aansaday;

In aan dalacsiiyo Kormeere Saddexaad, Muxumed Ismaaciil Faarax, oo ka tirsan Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, qaybta nabadgelyada Waddooyinka, lana siiyo derajada uu mudan-yahay oo ah Xidigle.
ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

COMMENTS
LINKS