Xukuumadda DDSI oo Shuruudo Cusub Ku Soo Rogtay Shaqsiyaadka Doonaya In Ay Xil Ka Qabtaan Deegaanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda DDSI oo Shuruudo Cusub Ku Soo Rogtay Shaqsiyaadka Doonaya In Ay Xil Ka Qabtaan Deegaanka
September 15, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Qeybo ka mid ah dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa laga dareemayaa in gaabis uu ku yimid hawlihii Dowladda Deegaanka kaddib isbadalkii dhawaan halkaasi ka dhacay.

Laga billaabo 26-kii bishii hore, waxaa meesha ka baxay inta badan maamulkii hore ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ka dib markii ciidammada federaalku ay maamulka soo fara geliyeen.

Balse waxaa soo baxaya warar ah in shaqaalihii dowladda xitaa aanay helin mushaaraadkooga, iyadoo meelaha qaar bangiyadu xitaa ayna shaqeynayn.

Xasan Maxamed Xuseen

Dhanka kale waxaa soo baxaya shuruudo cusub oo lagu xidhayo cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudaha cusub ee la soo rogay

Xasan Maxamed Xuseen oo ah madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in xisbiga haya talada Deegaanka ay shuruudo ku soo rogeen cidda qabanaysa xilalka degmooyinka iyo gobollada dowlad deegaanka Soomaalida.

Shuruudahani ayaa waxaa ka mid ah

in qofka uu haysto shahaadada koowaad ee jaamacadda.

2:in uu qofka leeyahay waayo aragnimo iyo khibrad shaqo.

3:in uu yahay qof bulshada sumcad ku dhex leh.

4:in uu yahay qof aan lagu soo eedeeyn musuqmaasuq.

Waxyaabaha kale ee la isku xidhayo waxaa ka mid “in aanu ka soo qayb qaadaanin hagardaamooyiinkii bulshada lagu soo hayay,” sida uu BBC u sheegay madax xafiiseedka madaxtooyada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Buuxinta xilalka maamulada gobolada iyo degmooyiinka Markii ay meesha ka baxday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay maamuladii dagmooyiinka iyo goboladda.

Tan iyo wixii xilligaasi ka dambeeyay maamulka cusub ma soo dhisin masuuliyintii hogaamin lahaa degmooyiinka iyo gobolada.

Balse xukuumadda cusub ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay dib u dhiska maamulka gobolada deegaanka uu ka kooban yahay.

“Iyada oo ay dowladdu jirto toddobaad oo kali ah ayaa la dhisay guddiyadan,waxa ay guddiyadan diyaargarowgii iyo isku habaynta howsha iyo xulashada shaqsiyaadkii boosaska buuxin lahaa ayay wadaan ,”ayuu yidhi Mr Xasan.

Waxa uu intaa ku daray in dadka deegaanka looga baahan yahay in ay dulqaad muujiyaan maadama sida uu sheegay aysan suuragal ahayn in dowlad lagu dhiso laba toddobaad.

“Wakhti dheer ma aha In laba toddobaad gudahood lagu dhiso dowlad heer deegaan ilaa heer tuulo, bulshadu waa in ay sugto oo in loo soo socdo ay fahmaan ayaa lagama maarmaan ah howshaasi howl sahlan ma aha ,”. Ayuu intaa ku daray

Goorma ayuu adeega dowladdu gaadhayaa guud ahaan deegaanka?

Qaybo badan oo ka mid ah deegaanka Soomaalida ayaa waxaa hakad uu ku yimid adeegyadii ay bulshada u baahnaayeen.

Madax xafiiseedka madaxtooyada dowlad deegaanka Soomaalida Xasan Maxamed Xuseen oo ay BBC wax ka waydiisay ayaa waxa uu sheegay in ay qorshaynayaan in muddo bil ah ay dowladda cusub adeegyada ku gaadhsiiso guud ahaan gobolada,degmooyiinka iyo tuulooyiinka.

“Muddo bil gudahee ah wax waliba in ay sidoodii ku soo noqdaan oo ay dowladda ilaa heer qabalo wada shaqo gasho ayaan rajaynaynaa,”

COMMENTS
LINKS