Somaliland dal baanu ku ogayne ma dawlad degmo ayey noqotay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland dal baanu ku ogayne ma dawlad degmo ayey noqotay?
September 15, 2018 - Written by Reporter:

Jamhuuriyada Somaliland ama dalka Somaliland waa dalkii ugu horeeyey dal Soomaali leedahay oo xoriyad qaata kuna soo biira dalalka madaxa banaan ee caalamka ka jira, taariikhdu markay ahayd 26 juun 1960 ayaa la dhidbay lana calan saarey Somaliland hase ahaatee dalkii oo todoba bixin ayaa la wareejiyey bilaa shuruud, mudo 30 sano ahna uu la midaysnaa mid kamida shanta dal ee Soomaalida, se taariikhdu markay ahayd 18 may 1991 ayey shacabka Somaliland dib u qotomiyeen calankii Jamhuuriyada Somaliland kuna dhawaaqeen in taariikhdaa laga bilaabo ay ka noqdeen midowgii bilaa shuruuda ahaa ee ay galeen oo gooni isku taagayaan haddana bilaa shuruud.

Somaliland Waxa ay qoratay loona codeeyey Dastuur waxay samaysteen Dawlad, Calan, Lacag, Ciidan, Sharciyo, Xisbiyo siyaasadeed, Laba Gole sidoo kale waxa si dumuqraadiyad ah cod qaadis isku bedelay 5 madaxweyne mudadaa dib loo unkumay Jamhuuriyada Somaliland.

Hadaba Iyada oo Somaliland ka hirgaleen waxaas oo dhami si nabad gelyo leh Una soo jiiteen indhaha caalamka ayaa hadana ayna ku kasban aqoonsi ay aqoonsadaan dalalka dunidu.

Hadaba ma ictiraaf raadintiibaa marin habawsan mise dilaaliin baa diblamaasiyiin noqday, Waayo taariikhda aduunka kuma hayno Dal ay Degmo aqoonsatay waayo Degmo malaha AWOOD ay dal ilaaqaad iyo aqoonsi kusiiso maxaa yeelay maamulka degmo waa maamul dowlad-hoose oo ku eeg qorshaynta iyo maaraynta maamulka baaxada degmadu ku taal oo xitaa gaadhsiismahayn degmada la jaarka ah iska daa heer gobal ilaa heer caalami in aygaadho se yaalaa degmo ilaaqaad caalami ah wey layeelan kartaa degmo kale oo dal kale ku taal Taas oo la mataaneeyo labada degmo layskuna sidko si caalami ah.

Se Waxa dadba ka yaabsanyahay degmooyinka lagu sidkaayo dalkii ee Somaliland ayey ictiraafeen shacabka lagu leeyey kuwaas isasoo taraayey Mudadii Kulmiye xilka qabsaday.

Hadaba waa Su’aale Somaliland Dal baanu ku ogayne ma Dowlad Degmo ayey noqotay??.

Ilaahay baa Mahadleh Midnimana Somaliland.

Qalinkii Fuad Fartaag

Fartaagmuwaadin@gmail.com

 

 

 

COMMENTS
LINKS