WAJAALE NEWS

Baroortu orgiga ka wayn!

Kooxdani waa qolo ka mida Yuhuuda Asal raaca ah,  haweenkoodu waxay qaataan xijaab iyo niqaab waxaa ka reeban in ay surwaal qaataan waxayna haystaan kitaabka tawraadka oo ay ku dhaqmaan,waxayna si xora oo furan  ugu nool yihiin Israel iyo dhul badan oo ka mida caalamka mana jirto cid ku tilmaanta argagixiso ama ku dhaleecaysa qaabka ay u labisan yihiin waxay si caadiya u wataan nolol maalmeed kooda shaqo waxbarasho iyo dhaqnaansho.

Hadaba waxaa is waydiin leh maxaa loola dagaalamayaa gabadha muslimadda ah ee sidata xijaabka? oo loo doonayaa in la qaawiyo?.

Xaqiiqadu maaha in ay soo kordhisay wax aan la’aqoon iyo qaab lebis cusub, balse waxay tahay in la doonayo in la burburiyo akhlaaqda iyo dhawrsanaanta bulshada Muslimka waana dagaal lagula jiro diinta Islaamka iyadoo lagga duulayo qorshaha ah ” Hadii aynu doonayno in aynu Islaamka ka adkaano waa in aynu haweenka iyo dhalinyarada fasahaadinaa oo marinka saxa ah ka leexinaa!.

Hadaba si qorshahaasi u hirgalo waa in tashuush laggu furo dhamaan kaabiyadda dhawrsanaanta sida xijaabka, niqaabka, kala soocnaanta ragga iyo dumarka IWM.

Waa in laggu dhex abuuro kooxo iyo ururo ama (NGO) u ololeeya la dagaalanka diinta iyo dhaqanka suuban  ururadaas oo lagu iib geeyo magacyo dusha ka qurux badan sida:  Ururo haween, dhalin-yaro, xuquuq raadin, waxbarasho iyo shaqo abuur lakiin xanbaarsan afkaar si xeel dheer loo soo agaasimay oo bulshada laggu diin iyo dhaqan guurinayo.

Waxaa hadaba aad muhiim u ah in laggu baraarugo arintaas oo dadwayne iyo dawladba layska kaashado, waxaanan soo jeedin lahaa :

In la abuuro hay’ad  si rasmiya u dabagala ururadaas iyo kooxahaas ayadoo laggu miisaamayo Shareecada iyo dhaqan keena suuban.

In la hirgaliyo Machad (institution) daraasaad, baadhitaan iyo xog ururin ku sameeya dhibaatooyinka iyo dagaalka ku wajahan diinta iyo dhaqanka talo bixinna siiya Dawladda iyo ururada bulshada.

Waa in la abuuraa ha’yad ka tirsan dawladda oo qaabilsan faaf reebka oo ilaalisa waxyaabaha khatarta ku ah dalka iyo dadkaba oo u kuur gasha waxyaalaha dalka dhexdiisa laggu faafinayo sida filmada.

ruwaayadaha,barnaamijyada ka baxaya TV iyo idaacadaha iyo dhamaan qalabka wax laysku gaadhsiiyo.

Waa in wada shaqayn dhaba loo sameeyo hay’adaha amniga iyo kuwa bulshada si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqyada dhaqan bi’iska ah ee socda.

Culimadu waa in ay door muhiima ka qaataan la dagaalanka kooxahaas iyo ururadaas wada shaqayn buuxdana la yeeshaan Dawladda iyo hay’adaha amnigga lana abuuro guddi wadajira  oo heer qaran gaadh siisan oo qaabilsan Diinta iyo anshax.

Qormadan waxaan ku soo afmeeriyaa “balaayo ka hor tag bay leedahay”, arintan hadaan maanta lagga hawl gelin oo aan xil layska saarin meel dheer baa lagga dooni doonaa waxayna inoo horseedi kartaa burbur bulsho iyo asal guur.

Ilaahay diinta, dalka iyo dadkaba ha inoo xifdiyo

Ahmed Abdulkadir Ahmed

rakadmxd@gmail.com

Exit mobile version