WAJAALE NEWS

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo Ku Dhaawacmay Qarax Loogu Xidhay Gaadhigiisa

Muqdisho (WJN) –Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Maxamed Mursal Booroow ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay qarax loogu xidhay gaadhigiisa agagaarka Tiyaatarka oo aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Darawalkii waday gaadhiga ayaa waxaa la sheegay in isla goobta uu ku gaariyooday, hasse ahaatee Xildhibaanka oo qaba dhaawac culus ayaa waxaa markiiba loola cararay Cisbitaalka Digfeer.

Xildhibaanka Qaraxa lagu weeraray ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka ee laga soo doortay magaalada Baydhabo.

Exit mobile version