Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Qabanaya Tartanka Abaal Marinta Cawke Award Iyo Shuruudaha looga Baahan Yahay Tartamayaasha, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Qabanaya Tartanka Abaal Marinta Cawke Award Iyo Shuruudaha looga Baahan Yahay Tartamayaasha,
September 15, 2018 - Written by Editor:

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Qabanaya Tartanka Abaal Marinta Cawke Award Iyo Shuruudaha looga Baahan Yahay Tartamayaasha,

cawke 22

Ogeysiis: Abaal Marinta Cawke (Awke Award 2018)

Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA, waxa uu ku war-gelinayaa dhamaan Suxufiyiinta Somaliland in uu Tartankii Abaal marinta Cawke ee sanadka 2018-ku si rasmi ah u furan yahay 15/09/2018-15/10/2018-ka.

Sidaas daraadeed; Dhamaan Suxufiyiinta Somaliland waxa laga codsanayaa inay soo xaraystaan barnaamijyadda kala duwan ee ay kaga qayb galayaan Tartanka.

Qaybaha iyo Barmaamijyada lagu tartamayo :-

  • Warbixinada ku aadan arimaha bulshada sida baahiyaha aasaasiga ee Biyaha, Caafimaadka , Waxbarashada iyo Deegaanka
  • Warbixinada doorka warbaahintu ku leedahay daminta colaadaha iyo adkaynta nabadgelyada
  • Warbixanada ku aadan arimaha Doorashooyinka, Maamul-wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasuqa
  • Warbixinada ku aadan tebinta Aafooyinka dabiiciga ah sida Abaaraha, Duufaanta

Shuruudaha Tartanka:-

  • In warbixinta la sameeyay sannadkan 2018
  • Inuu yahay suxufi ku nool gudaha Jamhuuriyadda Somaliland oo haysta Kaadhka xubinimadda SOLJA
  • Inuu yahay Suxufi u shaqeeya hay’ad warbaahin oo lagaranayo ama diwaangashan.
  • In uu yahay Suxufi hore oo usoo shaqeeyay amase mid madax banaan-Freelancer

Tartanku waxa uu u furan yahay Idaacaddaha, Telefishanada, Wargeysyadda iyo Baraha Bulshada (Electronic Media), Waxaanad ku soo diri kartaan Emailkan:- cawkeaward@soljaorg.com. Ama waxaad ku keeni kartaan Hard  Copy Xarunta Guud ee SOLJA.

Tartanku waxa uu si rasmi ah u xidhmi doonaa 15/10/2018-ka. Sidaas darteed Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqayaa dhamaan Suxufiyiinta danaynaysa Tartanku inay sidaas ula socdaan shurruadaha Tartanka.

 

COMMENTS
LINKS