Yaa Dilay Shimbirtii Aadka U Waynayd Ee Soo Marta Ifkan? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Dilay Shimbirtii Aadka U Waynayd Ee Soo Marta Ifkan?
September 15, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Culimada sayniska ee ku takhasusay hadhaaga nolaha ayaa ka shakiyay in la cidhibtiray shimbirtii, shimbiraha ugu waynayd ee soo marta ifkan aan ku nool nahay kaddib markii la arkay hadhaaga lafaheeda.

Saynisyahanada ayaa shimbirtan magaceeda ku sheegay ‘Shimbir Maroodi’, waxay rumaysan yihiin in adduunka ay ku noolayd 10,000 sanno ee lasoo dhaafay.

Waxayna ku sheegeen sababta ay u dabar go’day shimbirtan ay tahay in ugaadhsi lagu hayay isla markaasna ban’iidaanka ay cuni jireen.

Haraaga Shimbirta waxaa laga helay webiga Christmas oo ku yaalla dalk Madagascar

Shimbirtan loogu magac daray ‘Shimbir Maroodi’ waxay ku noolan jirtay dalka Madagascar oo ku yaalla Badweynta Hinddiya ee qaaradda Afrika.

Dadkii ugu horreeyay ee dega jasiiraddaasi waxay soo gaadheen halkaasi muddo haatan laga joogo 2,500 ilaa 4,000 sanno.

Waxaa la sheegay in shimbirta ay la noolayd dadkii halkaasi ku noolaa kumannaan sanno ka hor inta aan la dabar gooyinin.

“Shimbirta ayaa kumannaan sanno ku noolayd halkaasi ka hor inta aan la dabar gooynin muddo haatan laga joogo in ka badan 9,000 sanno, waxayna tani nagu dhiiri gelinaysaa in aan ka qayb qaadanno ilaalinta duur joogta iyo dhirta maanta” ayu yidhi Dr Hansford oo ka tirsan jaamacad sayniska lagu barto ee Zoological Society London.

Shimbir Maroodiga ayaa caan ku ahayd jasiiradda dalka Madagascar, Waxayna ahayd mid wayn oo dheererkeedu lagu qiyaasay 3 miitar, beed waawayn ayayna dhali jirtay.

Qaar kamid ah baarayaasha ayaa isweddinaya su’aasha ah in Shimbirtan ay noqon karta nolohii ugu horreeyay ee ku jasiiraddaasi.

“Ma garan karo halka ay ka timid balse ma ogaan karno ilaa laga sameeyo baadhitanno kale oo ku salaysan hadhaaga nolahan” ayuu yidhi profesor Patricia Wright oo bare jaamacadeed ah isla markaasna kamid ah baarayaasha.

 

COMMENTS
LINKS