Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo gaadhay Jeddah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaamiyeyaasha Itoobiya iyo Eritrea oo gaadhay Jeddah
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Jeddah (WJN)– Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki iyo Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa gaadhay Jeddah, si ay u saxeexaan heshiis nabadeed oo u dhaxeeya labada dal.

Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Abdulaziz ayaa martigaliyay shirka ay wadaagayaan Itoobiya iyo Eritrea , kaas oo Axadda ay ku saxeexi doonan heshiis nabadeed.

Munaasabadda saxeexa heshiiska ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobey,Antonio Gutters iyo Madaxa Midowga Afrika, Mousa Faki.

Bishii July madaxda Itoobiya iyo Eritrea ayaa gaadhay heshiis lagu soo afjaray colaaddii muddada labaatanka sanno u dhaxeysay labada dal, waxaana dib u soo laabtay xidhiidhkii diblomaasiyadeed.

Doorka Sucuudi Carabiya ku lahaa is beddelada ka socda gobolka Geeska Afrika ayaa muddooyinkii u dambeeyay soo xoogeysanayay, waxaana la sheegaa in Sucuudiga ahaa maskaxdii ka dambeysay heshiiska Eritrea iyo Itoobiya.

COMMENTS
LINKS