Libaax Gool Ah oo Dad Ku Weerartay Dalka Jabuuti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Libaax Gool Ah oo Dad Ku Weerartay Dalka Jabuuti
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (WJN)- Degmada Duda oo labaatan kilomitar u jirta caasimadda Jabuuti waxaa ka fakatay libaaxa dhediga ah ama gool taas oo dhaawacday saddex qof oo kamid ah dadka deegaanka.

Labo cisho ka hor ayay gooshan ka baxsatay goob lagu xannaaneeyo duur joogta oo ku taalla dalka Jabuuti.

Madaxa caafimaadka degmada Duda ayaa ka dhawaajiyay in gooshu uu dhaawaca u gaystay saddex qof isla markaasna xaaladdooda caafimaad ay wanaagsantahay.

Libaax gool ah

Xildhibaan kasoo jeeda deegaanka ayaa sheegay inay gurmad u fidiyeen shacabka ay weeraray gooshu ayna askartu dileen goosha.

Dadka deegaanka ayaa cabasho ka muujiyay dhibaatada ay gaystaaan xayaawannada duur joogta ee ka baxsado seerayaasha dalkaasi.

Saraakiisha duur joogta ayaa amar ku bixiyay in la dilo goosha.

Waxaana socda baadhitannada ku aadan goosha sida ay ugu suuro gashay inay baxsato iyo waxyaabaha sababay dhibtaada intaasi le’eg ay gaadhsiiso bulshada ku dhaqan degmadaasi.

Ma aha markii ugu horreysay ay gooshu dhibaato u gaysto dadka shacabka ah ee dalka Jabuuti.

COMMENTS
LINKS