Khasaare Ka Dhashay Duufaanta Ku Dhufatay Philippines | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Khasaare Ka Dhashay Duufaanta Ku Dhufatay Philippines
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay duufaanta Manghkhut ee ku dhufatay dalka Philippines taaso khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba ka gaysatay jasiiradaha ku yaalla halkaasi.

Duufaanta ayaa dhulka dhigtay khadadka isgaadhsiinta Philippines waxayna hakad gelisay isu socodka gaadiidka.

Duufaanta ayaa dhibaata ka gaystay gobolka Cagayan dalka Philippines

Duufaanta Manghukt ayaa ku sii siiqaysa deeganno ku yaalla koonfurt Shiinaha.

Waxayna khatar gelinaysa nolosha dadka ku nool magaalada Hong Kong, saraakiisha waxay ugu baaqeen shacabka inay ka baxaan goobaha masiibada dufannada ay gaadhi karaan.

Waqooy bari dalka Philippines waxaa ka dhacay dhul go’ gaar ahaan jasiiradda wayn ee Luzon, in ka badan 5 milyan qof ayaa qarka u saaran inay dhibaatada u gaystaan duufaannada halka 100,000 qof ay guryahooda ka barakaceen.

Francis Tolentino oo ah afahayeen u hadlay dowladda ayaa sheegay in dhul go’a ka dhacay deegannada Cordillera iyo Nueva Vizcaya ay dad badan ku dhinteen.

Wuxuu intaasi ku daray in dhibaatada duufannada aysan hadda war buuxo ka haynin.

Dufaanta waxay burbur u gaysatay dhammaan guryihii iyo beeraha ku yaalla magaalada Tuguegarao,sida uu sheegay afahayeen u hadlay dowladda Philippines.

Philippines waxaa caado u noqotay duufaanada balse duufaanta Manghkut waxay dadka dalkaasi xusuusinaysaa dhibaatadii ay gaysatay duufaantii Hayaan oo sannadkii 2013-kii ,7000 ay ku dhinteen.

Duufaantan oo ku wajahan Shiinaha

Weli duufaanta Mangkhut si xowlli ah ayay ku socotaa, waxayna ku wajahantahay koonfurta dalka Shiinaha, waxayna saacaddiiba jaraysaa 145 kilomitar.

Saraakiisha ku sugan dalkaasi waxay shacabka uga digeen dhitaabada ay ku reebi karto dufaanta.

Inta badan goobaha ganacsiga waa la xidhay, dhammaan adeegyada bulshada hakad ayay galeen, in ka badan 800 duulimaad ayaa la baajiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Hong Kong, taaso saamayn ku yeelatay in ka badan 100,000 rakaab ah.

COMMENTS
LINKS