Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gudomiyaha Maroodi-jeex oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Diiwangalinta Hantida Dawladu | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gudomiyaha Maroodi-jeex oo Ka Hadlay Halka Ay Marayso Diiwangalinta Hantida Dawladu
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaarada Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex Jaamac Xaaji Axmed oo uu weheliyo ku-xigeenkiisu ayaa waxa ay ka hadleen halka ay marayso hashii diwaan gelinta hantida ma-guurtada ee dawlada

Wasiirka hawlaha guud iyo guuryaynta Somaliland oo ugu horayn kulankaasi ka hadley ayaa waxa uu bulshada ku dhaqan gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay in ay la shaqeeyaan wasaaradiisa si diwaan gelintaasi ay si sax ah u qabato wasaarada hawlaha guud.

Agaasimaha guud ee wasaarada hawlaha guud ayaa waxa uu isna faah-faahin ka bixiyay degmooyinka gobolka Maroodi-jeex ee ay ka socoto diwaan gelinta hantida dawlada.

Ugu danbayntii waxaa halkaasi ka hadlay badhasaabka gobolka Maroodi-jeex ayaa waxa uu cod dheer ku sheegay in si wanaagsan ula shaqayn doonaan wasaarada hawlaha guud si ay u diwaan geliyaan hantida ma-guurtada ah ee dawlada.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS