Guddiga Xalinta Khilaafka Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo Gaadhay Garoowe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddiga Xalinta Khilaafka Dowladda Dhexe Ee Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada oo Gaadhay Garoowe
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Garoowe (WJN)- Qaar ka mida xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ee loo xilsaaray xalinta khilaafka ka dhex jira maamul goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa gaadhay magaalada Garowe.

Xubnahani xalinta khilaafaadka labada dhinac ayaa waxaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxda Maamul goboleedka Puntland taasi oo qayb ka ah dadaalka dhexdhaxaadinta labada dhinac.

Xubnaha guddiga

Sanatar Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud faroole oo ka mida xubnaha aqalka sare ayaa BBC u sheegay in masuuliyada aqalka sare ay tahay xalinta khilaafka u dhaxeeya dowladda Dhexe iyo maamul goboleedyada.

Mr Faroole ayaa sheegay in guddiga ka socda aqalka sare ay awood u leeyihiin in ay xalliyaan khilaafka labada dhinac baaxdu doono ha lahaadee.

“Waxaan u babac dhigi karin oo dalka yaalla ma jiro, waxa nooga aadan ee uu dastuurku noo ogol yahay oo danta dalka ay ku jirto dhinac walba ha ahaatee waan u babac dhigi karnaa waana ka adagnahay”ayuu yidhi Mr Faroole.

Sanatar Cabdi Raxmaan Maxamad Maxamuud faroole ayaa sidoo kale xusay in marka ay howshooda u soo dhamaato ay warbixin buuxda u gudbin doonaan aqalka sare si go’aan looga gaadho.

Dhawaan ayay ahayd markii aqalka sare ay u magacaabeen guddiga xallinta khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Khilaafka u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowladda dhaxe ayaa soo ifbaxay ka dib markii ay madaxda maamul goboleedyada oo shir ku yeeshay Kismaayo ay sheegeen in ay xidhiidhkii u jareen dowladda dhexe.

Dowladda dhexe ayaa dhankeeda ku baaqday in madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ay kulan isugu yimadaan 17 bishan September.

COMMENTS
LINKS