Maxaabiis Waxku Baratay Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaabiis Waxku Baratay Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa oo Shahaadooyin La Gudoonsiiyay
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Waxaa bartamaha xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa maanta lagu qabtay munaasibad balaadhan oo abaalmarino lagu gudoonsiinayay 115 Maxbuus oo casharo kala duwan lagu siinayay xabsigaasi.

Munaasibadan abaalmarinta lagu gudoonsiinayay ardayda maxaabiista ah ee waxka baratay xabsiga dhexe ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka wasaarada Cadaalada Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Sareeye guuto Xasan Cali Cawad Taliyaha Xabsiga dhexe Hargeysa Gaashaanle sare Cumar Jaamac Cumar.

Ugu horayn waxaa munaasibadaasi ka hadley Cabdiraxmaan Axmed Jaamac oo maamule u ahaa macalimiinta ardayda maxaabiista waxku baraysay Xabsiga, waxaana uu ka waramay marxaladihii ardaydan maxaabiista ahi ay soo mareen.

Taliyaha xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa Gaashaanle sare Cumar Jaamac Cumar ayaa soo bandhigay tiraday ay kooban yihiin ardayda maxaabiista ah ee waxbaranaysay.

Sidoo kale waxaa munaasibadaasi ka hadley Taliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Somaliland Sareeye guuto Xasan Cali Cawad waxaana uu ka hadley muhiimada ay Ciidanka Asluubta u leedahay ardayda maxaabiista ee waxbaratay, isagoo sheegay in talaabadani ay qayb ka tahay fulinta siyaasadii xisbiga Kulmiye ee ku aadanayd in maxaabiista sharciga khilaafta la baro dhaqan celin iyo farsamooyin.

Dhanka kale Wasiirka wasaarada Diinta iyo Aw qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna munaasibadan ka hadley ayaa waxa uu arin lagu farxo ku tilmaamay Ardaydan maxaabiista ah ee casharada kala duwan dhamaysay.

Ugu danbayntii waxaa munaasibadaasi soo afmeeray Wasiirka Wasaarada Cadaalada Cabdiqani Maxamuud Caateeye waxaana uu ka waramay dedaalka wasaaradiisu ugu jirto sidii ay dhinaca aqoonta uga dhisi lahaayeen maxaabiista ku jirta xabsiyada Somaliland, isagoo ardayda maxaabiista gudoonsiiyay kutubta quraanka oo uu Madaxweynaha Somaliland ugu tala galay ardayda maxaabiista ah.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

COMMENTS
LINKS