“Faarax Haddii Dawladda Muqdisho Een Jirin Iyo Dawladda Ugu Awooda Badan Bariga Iyo Badhtamaha Afrika Uu Simayo Wuu Qaldan Yahay”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Faarax Haddii Dawladda Muqdisho Een Jirin Iyo Dawladda Ugu Awooda Badan Bariga Iyo Badhtamaha Afrika Uu Simayo Wuu Qaldan Yahay”Cali Guray.
September 16, 2018 - Written by Editor:

RAQBA WAA KU RAGEEDA FAARAXOW.

Waa Ayo Tolow Cidda uu Faarax Og yahay ee maamul Goboleedyada federaalka u dhamayn doontaa masiirkoodana ka dhigi doonta ka Cabdi Ilay oo halkuu maray Marin doonta ma Sokeeye mise Shisheeye? Raiisul Wasaaraha Itoobiya oo kale waa kuma ka uga dhigan Somaliya?

cali iyo faarax

Faarax haddii Dawladda Muqdisho Een Jirin Iyo Dawladda Ugu Awooda Badan Bariga iyo badhtamaha Afrika uu simayo wuu qaldan yahay. Horta dawlad dhexe oo Soomaaliyeed miyay ka jirtaa Somaliya oo gacanta ay ugu jirto Somaliya? Anigu ma arko gobol kasta waxa kaga awood badan dawladda Muqdisho maamul goboleedka ka jira. Tan kale haddii uu Itoobiya dawladdii hore inoogu sheegay tii Tegreyga oo iyadu lahayd maamul goboleedyada ka jiray Somaliya bal hadda dawladda uu taageersan yahay ee Oromadana aynu eegno siday wax tidhaa malaha iyada ayuu rejo ka qabaa inay tirtirto maamul goboleedyada Somaliya uu ku tilmaamay inay yihiin hadhaagii Tegrayga eh. Aniga Tegray iyo Oromo laba qoomiyadood oo ka mid ah qoomiyada Itoobiya ayuun bay ii wada yihiin midna sida Faarax uma qabo nacayb gaar ah. Qof xil loo dhibtay hadii uu wax xumeeyo maaha eedda in qoomiyaddii uu ka soo jeeday la saaro waayo xilka qof baa loo doortaa ee qoomiyad looma doorto. Iska daa kuwii tegay kuwa imika bedelay sida ay noqon doonaan Faarax iyadoon weli la hubsanin inu tiisa uuni ay sax tahay lagama qaadanayo. Faarax waa Soomaalida Kenya xuquuqdooda isagoo ka hadlaya maan maqlin inu mabsuud ka yahayna way u badan tahay soomaaliduna waxay odhan jireen (RAQBA WAA KU RAGEEDA) waana sida uu maanta yahay xaalka soomaalidu dhibaatada Somaliya marka ugu horaysa cidda ay u taal waa soomaalida Somaliya arinta Dawlad Degaanka Soomaalida Itoobiyana waxa iska leh soomaalida kale oo dhamina ay tahay inay u daba fadhiistaan Soomalida Itoobiya Somaliland taladeedana waxa iska leh soomaalida Somaliland iyagoo isu dhan.

QALINKII ;CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GUREY)

COMMENTS
LINKS