Orodyahan reer Kenya ah oo rikoor cusub dhigay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Orodyahan reer Kenya ah oo rikoor cusub dhigay
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Eliud Kipchoge oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guulaystay tartanka orodka adduunka ee ka socda magaalada Berlin ee dalka Jarmalka.

Wuxuu jebiyay rikoodhkii u yaallay tartankan isagoona ku ordday 2 saacadood, hal daqiiqo iyo 39 ilbidhiqsi.

Kipchoge oo 33 jir ah ayaa noqday orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda wax ka yar 2 saacadood iyo 2 daqiiqo.

Orodyahan Eliud Kipchoge

Kipchoge ayaa sidoo kale lagu tiriyo inuu kamid yahay orodyahanada ugu wanaagsan dunida ee wacadaraha dhigay.

Waa markii saddexaad uu guul kasoo hooyo cayaarihii ka dhacay London , horrantii sannadkan wuxuu ahaa orodyahankii ku guulaystay oroddada Olimbikada.

Sannadkii 2003-dii Paul Tergat oo Kenya u dhashay ayaa isagana noqday orodyahankii ugu horreeyay ee ku ordda 2 saacadood iyo shan daqiiqo.

Sannadkii 2008-dii Haile Gebreselassie ayaa isagna ku ordday 2 saacadood iyo afar daqiiqo halka sannadkii 2104-kii uu ordyahan Kenya u dhashay uu isna qaatay 2 saacadood iyo 2 daqiiqo.

 

COMMENTS
LINKS