Faadumo Siciid oo Ka Digtey Dhibaatoyin Ka Dhalan Kara Taarikada Cusub Ee Baabuurta iyo Fariin Ay U Dirtey Madaxweyne Muuse Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faadumo Siciid oo Ka Digtey Dhibaatoyin Ka Dhalan Kara Taarikada Cusub Ee Baabuurta iyo Fariin Ay U Dirtey Madaxweyne Muuse Biixi
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Faadumo Siciid oo ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa si damqasho leh oo Cilmiyaysan iyo Caqliyanba uga hadashay Lacagta Lixda Boqol ee Kun ee Shilinka Somaliland ah ee Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi shaacisay inay ku beddelayso Bilaydh-lambarrada Gaadiidka oo maraya ku dhawaad Boqol Kun oo Gaadhi inay tahay mid aan Sharciyadda iyo Caqliyadda midna waafaqsanayn.

Waxay Faadumo Siciid ugu baaqday Madaxweyne Muuse Biixi in looga baahan yahay inuu u naxariisto Shacabkiisa, isla markaana intaanu lacagta xaddigaa leh ku amrin inay bixiyaan ka hor ogaado xaaladda ay ku sugan yihiin iyo hadba waxay awoodaan.

Faadumo Siciid Waxay Sharci-darro ku tilmaantay in Bilaydh-lambar oo hore looga iibiyey Dadka la yidhaahdo Lacag laban-laab iyo badh ka badan tii marka hore lagaga iibiyey dawladdu go’aansato inay ugu beddesho, iyada oo ay Waddo-xumo iyo adeeg-xumo badani jirto, haddana Qof kasta Cashuurta Wadda-marista laga qaado shacabka Gaadiidka wata.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/uKmgWMjzjgw

COMMENTS
LINKS