Dalalka adduunyadu isku xoog ma aha si walba waa ay u kala weyn yihiin u na kala duwan yihiin. W/Q Maxamed Xaaji | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dalalka adduunyadu isku xoog ma aha si walba waa ay u kala weyn yihiin u na kala duwan yihiin. W/Q Maxamed Xaaji
September 16, 2018 - Written by Reporter:

Dalalka adduunyadu isku xoog ma aha, isku dhaqaale ma aha, isku baaxad dhuleed ma aha, is ma na dal iyo dad le’ega ee si walba waa ay u kala weyn yihiin u na kala duwan yihiin.

Sidaas oo ay tahay haddana, waa ay is-hirdiyaan oo ay is-qardoofaan iyaga oo si walba u kala itaal weyn u na kala saameyn badan.

Tusaale ahaan, dalka Maraykanka oo ah kan adduunyada ugu tunka weyn xag walba waxa ay in muddo ah u legdamayeen Eritrea dhinaca diblomaasiyadda. Eritrea waa ay is adkaysay oo ay itaalkeed iscaabiday. Maanta waxa tanaasulay Maraykan oo Eritrea u baahday waana sida loo la heshiiyey ee Itoobiya amarka loo siiyey.

Sidaa si la mid ah dalka Shiinaha oo ah dalka labaad ee adduunka ugu weyn ugu na dadka badan waxa ay hirdan ku wada jiraan dal uu lahaanshiyihiisa sheeganayo; waa Taiwan eh. Taiwan iyada oo ka warqabta awoodda Shiinaha iyo saameyntiisa ciidan, siyaasadeed, dhaqaale, taariikh, dad iyo dhul ee uu leeyahay haddana ma ay liicin ee waa ay badbaadday oo ay adkaysatay.

Sidaa si la mid ah ayey Somaliland yeeshay, waana ay sii yeeli doontaa ilaa iyo inta dhinaca xaqdarrada ku haya ay daniba dhul dhigi. In badan ayuu fuluhu baqay oo uu ceeryaan duufaan mooday, maantana fulihii xilli baqay mid la mid ah la waayi maayo. Somaliland way jiraysaa oo ay joogaysaa inta ay jiraan jiilasha qori isku dhiibka ahi.

 

Mohamed Hagi Mohamoud

 

 

 

COMMENTS
LINKS