WAJAALE NEWS

Booyado Shidaal Sida oo Ku Xaniban Kastamka Degmada Alley-baday + Cabashada Ganacsatada

Alley-baday (WJN)- Kastamka degmada Alley-baday ayaa waxaa ku xaniban booyado sida Shidaal iyadoo dirawadalada wada booyadaha shidaalka sida loo diiday in ay ka cashuuraan kastamka maaliyada ee dagmada Alley-baday oo ka tirsan gobolka Gabilay, Sida uu noo xaqiijiyay ganacsade Khadar Muxumed Samaale oo ka mid ah ganacsatada deegaankaasi.

Ganacsade Khadar Muxumed Samaale ayaa waxa uu sheegay in booyadaha sida shidaalka lagu amaray in ay ka soo cashuurtaan kastamka wasaarada maaliyadu ay ku leedahay magaalada Tog.Wajaale, iyada oo magaalada Hargeysa ay ka jirto shidaal la,aan baahsani.

Dadka ku dhaqan degmada Alley-baday ayaa iyagu arintaasi ka gadooday isla markaana ku baaqay in dib looga bilaabo kastamka in laga cashuuro badeecadaha dalka ka soo gala.

Wararka aanu ka helayno degmada Alley-baday ayaa sheegaya in badeecadihii laga cashuuri jiray kastamka degmadaasi aan lagu cashuurin ilaa iyo hadana lama garanayo sababta loo xanibay in kastmaka degmada Alley-baday lagu cashuuro badeecadaha dalka soo galaya.

Ilaa iyo hada Wasaarada Maaliyadu kama ay hadal sababta lagu xanibay in laga cashuuro kastamka degmada Alley-baday badeecada dalka ka soo gala, Sidoo kalena shacabka ku dhaqan degmada Alley-baday iyo ganacsatada badeecada kala duwan soo galiya dalka ayaa iyagu ka dhur sugaya in ay wasaarada maaliyadu ay arintaasi ka hadasho.

 

Exit mobile version