Dibadbaxyo Xoogan oo Ka Dhacay Addis Ababa Kaddib Markii La Dilay 23 Qof | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dibadbaxyo Xoogan oo Ka Dhacay Addis Ababa Kaddib Markii La Dilay 23 Qof
September 17, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dibadbaxyo xooggan ayaa ka dhacay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxaana la xidhay goobaha ganacsiga kaddib markii dad cadhaysan ay dhigeen dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan dilka 23 qof kaddib markii dhawaan ay rabshado ka dhaceen duleedka magaalada Addis Ababa.

Dibadbaxyaasha ayaa dowladda Itoobiya ka codsanayay inay ilaaliso ammaanka shacabka gaar ahaan qowmiyadaha laga tirada badanyahay kuwaaso sheegay in la bartilmaameedsaday.

Kumannaan shacab ah ayaa hoy ka dhigtay Iskuulo ku yaalla dalkaasi kaddib markii dhawaan ay rabshado hadheeyeen degmada Burayu oo dhacdo waqooyi galbeed magaalada Addis Ababa.

Rabshadaha ayaa ka dambeeyay , isu soo bixi lagu soo dhawaynayay Sabtidii hoggaamiyaha Jabhadda Xoreynta Oromada.

Ururka OLF ayaa in muddo ah ku kacsanaa dowladda balse ra’iisal wasaare Abiy Axmed ayaa liiska argagixisada ka saaray islamarkaasna ugu baaqay gogosha nabadda.

“ Dhalinyaro cadhaysan oo kasoo jeedo Oromada ayaa kusoo xoomay halkan degmada Ashwa Meda, weerar ayay nagu soo qaadeen, waxayna dhac u gaysteen ganacsigeena iyagoo ku qaylinaya “Ka baxa dhulkeena” Sidaas waxaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay Xasan Ibraahim oo ah ganacasde degan Ashwa Meda.

Alemayehu Ejigu oo ah madaxa booliska gobolka Oromada ayaa xaqiijiyay in 23 qof lagu dilay halkaasi, wuxuuna sheegay inay xabsiga u taxaabeen in ka badan 70 qof oo lala xidhiidhinayo rabshadaha.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS