Kumanaan Shacab Ah oo Addis Ababa Kusoo Barakacay iyo Xaalada oo Wali Qasan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kumanaan Shacab Ah oo Addis Ababa Kusoo Barakacay iyo Xaalada oo Wali Qasan
September 17, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Wararka naga soo gaadhaya dalka Itoobiya gaar ahaan casimada Addis Ababa ayaa sheegaya in magaaladu la ciir ciirayso kumanaan qoysas ah oo hareeraha magaalada kasoo cararay caasimadana soo miciin biday, kadib markii dil dhac iyo boob loogu gaystay meelahay ay daganaayeen.

Laga soo bilaabo 13-kii bishan waxaa agagaarka magalada Addis Ababa ka socday dagaalo u dhaxeeya qomiyadaha Oromada iyo Amxaarada, waxaana la sheegayaa in dad ka badan 23 qof ay ku dhinteen weeraradan abaabulan ee maalmahan kasocda duleedka Addis Ababa.

Ismamulka magalada Addis Ababa ayaa sheegay in kumanaan shacab ah oo dumar iyo caruur u badan ay magalada soo gaadheen ayna dajiyeen iskuulada iyo goobo si kumeelgaadh ah loogu dhisay, ra”iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa canbaareyay dagaaladan isir nacaybka ku salaysan ee Addis Ababa ka socda.

Dhanka kale waxaa goobaha iskudhacu ka socdo loo daabulay ciidanka milatariga iyo booliska Federalka Itoobiya.

Xaalada Itoobiya ayaad moodaa mid aan cago badan ku taagnayn waxaana maalinkasta ka dhacaya dagaalo u dhaxeeya qawmiyadaha kala duwan ee Itoobiya.

 

WAJAALENEWS DESSK

JIG JIGA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS