Laba tallo mid warbaahinta ah iyo mid wasaarada waxbarashadda ah. W/Q: Barkhad Ladiif Cumar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laba tallo mid warbaahinta ah iyo mid wasaarada waxbarashadda ah. W/Q: Barkhad Ladiif Cumar
September 17, 2018 - Written by Reporter:

Waxaan ka daawaday dhamaan YouTube telefishanada soomaalidda ee warka Natiijada imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland, dhamaantood hal Angle ayey ka wada galeen waxayna u muuqdeen in hal qof uun soo wada diyaariyey ka dibna loo qaybiyey Tv-yada oo codadka oo kaliya uun bay ku kala duwanaayeen.

Haddii aad dib u wada eegto Youtube-ka Tv-yada waxaad ku arkaysa gudoomiyaha imtixaanka oo akhrinaya tobanka qof ee ugu sareeya fasalada 4aad ee dugsiga sare iyo 8aad ee dugsiga dhexe, haseyeeshee waxa meesha ka maqan faahfaahinta tiradda guud ee imtixaanka gashay, inta gudubtay iyo inta dhacday, oo dadku ku qiimaynayeen xaalada waxbarasho, isla markaana dadku doonayeen inay ogaadaan, warkuna halkaasi ayuu ku jiray, balse muhiim maaha in dadka loo yeedhiyo magacyada ardayda iyo dugsiyadda, waxaany arrintaasi xayeysiis u tahay uun dugsiyada gaar ah looleeyahay, waxaanay ceeb ku tahay dugsiyada dawladda oo aan ku jirin kaalmaha hore.

Sidoo kale, Wasaarada waxbarashada waxaan usoo jeedin lahaa in dhamaan la joojiyey ardaydan la yeedhinayo waayo waxay xayeysiis u tahay uun dugsiyada gaar ah waxaanay ceeb iyo fadeexad ku tahay dugsiyadii dawladda, mar hadii ay tayeyn waayeen dugsiyada dawladda maaha inay u xayeysiiyaan dugsiyada gaarka loo leeyahay.

Maalin kasta oo ay imtixaan qaadaan hadii tobanka arday ee la shaaciyaa noqdaan dugsiyada gaar ah fadeexad bay qaranka ku tahay, sidaas darteed waa in magacyadda ardayda kaalmaha hore gashay uun la yeedhiyo balse aan la raacin dugsiyada ay ka soo jeedaan.

Kolay iyo kolay xaflado ayey dhigayanayaan dugsiyada kaalmaha hore gashay, taas oo ay dadka u tusayaan inay yihiin hormood, sidaas darteed iyaga uun u daaya xayeysiiskooda balse wasaaradu yeyna kala qaybqaadan xayeysiiska ay rabaan.

 

Qalinkii: Barkhad Ladiif Cumar

COMMENTS
LINKS