Madaxwaynayaasha Jabuuti Iyo Eritrea Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Jeddah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynayaasha Jabuuti Iyo Eritrea Oo Kulan Ku Yeeshay Magaalada Jeddah.
September 17, 2018 - Written by Editor:

Jidah(W,N )– Kulankan madaxda jabuuti iyo Eritrea ayaa ahaa kulan la sii saadaalinayay kaasi oo xiiso gooni xambaarsanaa kaddib markii madaxweynayaasha dalalka Jabuuti iyo Eritrea Ismaaciil Cumar Geelle iyo Isayeas Afwerki kulan foolka foola  ku yeesheen Magaaalada Jeddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

geele iyo esiyes

Geelle iyo Etria Asiyes Afwerki ayaa Kulan koodani ku bilowday  is gacan qaad iyaga oo marxabeynaya, waxaana soconaya kulamo gaar gaar ah loogu kala dabqaadayo labada mas’uul si loo soo afjaro xiisada iyo muranka dhulleed ee labada dal muddo dheer-ba dhax tiilay.

Wali sirasmi looma oga waxyaabaha kasoo baxay iyo qodobada ay wada gadheen.

Dhawaan waxaa Jabuuti tagay wafti heer sare ah oo ka socday wadamada gobolka, waxaana wafdigaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha dibedda ee Eritrea Osman Saalax.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa horay iyagu si iskood ah u soo afjaray murankii dhanka xudduuda ah ee dhiigga badan uu ku daatay, waxaana la filayaa in si taa la mid ah loo dhameeyo khilaafka labada dowladdood ee Jabuuti iyo Eritrea.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS