Wakhtiyadii La Ciyaari Jiray Ciyaaraha Champions League-ga Yurub oo La Badelay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakhtiyadii La Ciyaari Jiray Ciyaaraha Champions League-ga Yurub oo La Badelay
September 18, 2018 - Written by Reporter:

Kaddib ciyaarihii Koobka Adduunka iyo lacago badan oo ay kooxuhu ciyaartoy ku soo Iibsadeen, ayaa waxaa isbadel weyn lagu sameeyay wakhtiga la ciyaarayo ciyaaraha Horyaallada Yurub ee Champions League-ga ee heerka group-yada.

Laba kulan oo ciyaarahaasi ka mid ah ayaa waxaa la ciyaari doonaa 7:55 fiidnimo wakhtiga Bariga Afrika, halka ciyaaraha kalana la ciyaari doono 10:00 habeenimo isla wakhtiga Bariga Afrika.

Image result for champions league 2018-19 Time

Waagii hore inta badan ciyaaraha group-yada waxaa la ciyaari jiray 9:45 habeenimo ee wakhtiga Bariga Afrika, halka qaar ka mid ah kooxaha ka dhisan Bariga Yurub ama Ruushka ay laba ama saddex saacadood ka hor ay bilowdaan.

Taageerayaasha kooxda Tottenham ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee uu saameeyo isbadelkan oo kooxdooda ayaa caawa oo salaasa ah waxa ay garoonka San Siro kula ciyaaraysaa kooxda Inter Milan, halka isla group-kaas, isla wakhtigaas, ay Barcelona garoonkeeda ku martigelinayso kooxda PSV Eindhoven.

Markii la gaadho ciyaaraha kala baxa ayaa dhammaan kooxaha soo gudba waxa ay ciyaarahooda bilaaban doonaan 10:00 ama 11:00 habeenimo ee waqkhiga Bariga Afrika.

Ciyaaraha koobka Europa League ee heerka group-yada ilaa laga gaadhayo 16-ka kooxood waxaa la ciyaari doonaa 7:55 iyo 10:00 habeenimo. Halka rubac dhammaadka, nus dhammaadka iyo finaalka la ciyaari doono 10:00 habeenimo.

Maxay tahay sababta loo badelay wakhtiga la ciyaari lahaa ciyaaraha Champions League-ga?

Taleefishinnada iyo dadka online-ka ka daawada ciyaaraha ayey u suuragalaysaa inay ciyaaro badan daawadaan iyagoo aanay ciyaarna dhaafin, si kale haddii loo dhigana waxaa sare u kici doona dadka daawada ciyaaraha iyo weliba kharashka laga soo xareeyaba.

Ciyaaraha bilaabanaya 7:55 fiidnimo ee wakhtiga Bariga Afrika

Ciyaarta koobaad

Salaasa, 18 Sibteembar

Group B: Barcelona v PSV Eindhoven, Inter Milan v Tottenham Hotspur

Arbaca, 19 Sibteembar

Group E: Ajax v AEK Athens

Group F: Shakhtar Donetsk v Hoffenheim

Ciyaarta labaad

Salaasa, 2 Oktoobar

Group F: Hoffenheim v Manchester City

Group H: Juventus v Young Boys

Arbaca, 3 Oktoobar

Group C: Paris St-Germain v Red Star Belgrade

Group D: Lokomotiv Moscow v Schalke

Ciyaarta saddexaad

Salaasa, 23 Oktoobar

Group E: AEK Athens v Bayern Munich

Group H: Young Boys v Valencia

Arbaca, 24 Oktoobar

Group A: Club Brugge v Monaco

Group B: PSV Eindhoven v Tottenham Hotspur

Ciyaarta afraad

Salaasa, 6 Nofeembar

Group A: Monaco v Club Brugge

Group C: Red Star Belgrade v Liverpool

Arbaca, 7 Nofeembar

Group G: CSKA Moscow v Roma

Group H: Valencia v Young Boys

Ciyaarta shanaad

Salaasa, 27 Nofeembar

Group E: AEK Athens v Ajax

Group G: CSKA Moscow v Viktoria Plzen

Arbaca, 28 Nofeembar

Group A: Atletico Madrid v Monaco

Group D: Lokomotiv Moscow v Galatasaray

Ciyaarta lixaad

Salaasa, 11 Diseembar

Group D: Galatasaray v Porto, Schalke v Lokomotiv Moscow

Arbaca, 12 Diseembar

Group G: Real Madrid v CSKA Moscow, Viktoria Plzen v Roma

 

COMMENTS
LINKS