Mareykanka oo Alaabaha Uu Shiinahu U Soo Dhoofiyo Ku Soo Rogaya Cashuurtii Ugu Badneyd | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo Alaabaha Uu Shiinahu U Soo Dhoofiyo Ku Soo Rogaya Cashuurtii Ugu Badneyd
September 18, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Mareykanka ayaa waxa uu cashuur cusub oo gaadhaysa $200bn ku soo rogayaa alaabaha Shiinaha uu u soo dhoofiyo, arrintaas oo sii kordhinaysa dagaalka dhanka ganacsiga ah ee kala dhaxeeya Beijing.

Cashuurahan ayaa waxaa laga qaadi doonaa ku dhawaad 6,000 oo shay, taasna waxa ay ka dhigaysaa cashuurihii ugu badnaa ee uu Mareykanku soo rogo.

Bariiska ayaa ka mid ah badeecadaha lagu bartilmaameedsanayo canshuuraha ugu dambeeyay ee Mareyakanka

Boorsooyinka xaragada ee gacmaha lagu qaato, bariiska iyo dharka ayaa ka mid noqon doona waxyaabaha cashuurta lagu soo rogayo, hasayeeshee waxaa la filayaa in bartilmaameedkan cusub aanan lagu dari doonin qaar ka mid ah badeecaha sida saacadaha casriga ah iyo kuraasta heerka sare.

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa waxa ay sheegtay in aysan haysan fursad kale inay si adag kaga jawaabto ma ogiyee.

Wasaaraddu waxa ay sheegtay in ay rajaynaysay in Mareykanku uu hab dhaqankiisa toosin doono, hasayeeshee wasaaraddu ma aanay sheegin waxa ay noqon doonaan tallaabooyinka ay qaadi doonto.

Cashuuraha Mareykanka ayaa waxa ay dhaqangeli doonaan 24 bisha Sibteembar, waxa ayna ku bilaaban doonaan 10% ilaa laga gaadhsiiyo 25% laga bilaabo sanadka soo socda waa haddii aanay labada dal xal ka gaadhin arrimaha taagan.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa waxa uu sheegay in cashuurahan ugu dambeeyay ay jawaab u yihiin ‘falalka cadaaladdarada ah ee ganacsiga’ ee Shiinaha.

“Isbadelka aannu doonayno in la sameeyo waa uu cadaa, Shiinahana waxaannu siinnay fursadkasta oo uu si cadaalad ah inoola dhaqmi karo. Hasayeeshee Shiinuhu ilaa iyo haatan wuu ka cagajiidayaa inuu falalkiisa badelo.” ayuu yidhi.

Mr Trump ayaa sidoo kale waxa uu ka digay in haddii uu Shiinahu uu qaado tallaabooyin uu ku aargoosanaayo markaas Mareykanku waa inuu “durbadiiba bilaabaa wajiga saddexaad” oo uu cashuuro dheeraad ah oo gaadhaya $267bn uu ku soo rogaa alaabaha Shiinaha uu u soo dhoofiyo.

Tallaabo noocaasi ahna waxa ay ka dhigan tahay in ku dhawaad dhammaan alaabaha uu Shiinaha u dhoofiyo Mareykanka la dul saari doono canshuuro cusub.

 

COMMENTS
LINKS