“Leyla Cali Cilmi Waa Mucjisada Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Iswiidhan Loo Doortay” Ibrahim Hawd. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Leyla Cali Cilmi Waa Mucjisada Xildhibaannada Cusub Ee Baarlamaanka Iswiidhan Loo Doortay” Ibrahim Hawd.
September 18, 2018 - Written by Editor:

Leyla Cali Cilmi waa mucjisada xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Iswiidhan loo doortay. Waa Soomaaliyad 30 jir ah oo 28 sano ku noolayd Iswiidhan. Waxay isu sharraxday Baarlamaanka iyada oo ka tartamaysa xisbiga cagaaran. Laakiin guddida xisbigu kalsooni badan oo aanay guusheeda ku qabin darteed liiska murashixiintooda wax ay ka ga qoreen kaalin aad u hoosaysa. Iyada oo taa ka xanaaqsan ayay si kale yeeshay. Iyada oo magaca xisbiga sidata ayay gaarkeeda isu wadday, sida sharcigu oggol yahay. Wax ay cod ka raadsatay xaafaddeeda oo ay Soomaalida iyo soogalootigu ku badan yihiin. Af Soomaali bay ku ololaysay. In ay Soomaalinnimo ku tartamayso ayay afcad ku sheegtay. Facebook geeda wax aan Af Soomaali ahaynba waa la ga waayay. Wax ay waddaba goobaheedii doorashada wax ay jeebka ku shubatay u gu yaraan 1400 cod oo baarlammaanka geynaya. Sidaas bay caawa ku tahay xildhibaan. Isniinta berri ayay Stockholm u jarmaadaysaa. Hambalyo dheh!

xil layla

Leyla soo bixiddeeda midabtakoorkii wax ay ku ridday wadne xanuun. Umadda oo dhan ma matasho ee Soomaalida oo qudha ayay matalaysaa ayay dacaayad ka dhigeen oo durba baraha bulshada wareejinayaan. Yaa se dan ka leh, dalku waa xor dimuqraaddi ahe.

Magaaladan ay Leyli ka soo baxday ee Göteborg waxaa ku nool Soomaali dhan 14000 oo ruux. Markaa in hal xildhibaan iyo ka badaniba ka soo baxaan waa caadi. Caawa se Leyla aynnu wada bogaadinno oo wada hambalyaynno.

 

QALINKII ;QORAA IBRAAHIM HAWD

 

COMMENTS
LINKS