Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo War Ka Soo Saarey Arimaha Doorashooyinka, Muxuuse Ka Yidhi Booqashada Madaxweynaha Maamulka Garoowe Ee Badhan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo War Ka Soo Saarey Arimaha Doorashooyinka, Muxuuse Ka Yidhi Booqashada Madaxweynaha Maamulka Garoowe Ee Badhan
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee  Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo maanta ka hadlaayey kulan ay isku yimadeen xisbiyada mucaaridka iyo xukuumadu ayaa waxaa uu ka Hadley arimo ay ka mid yahiin doorashooyinka dalka ku soo socda, booqashada madaxweynaha Maamulka Garoowe ku yimid magaalada badhan iyo xeerka Kufsiga ee dhawaan goluhu ansixiyey.

Ugu horeyn Gudoomiye Cirr ayaa waxa uu ka hadley kulanka dhexmaray xukuumada isago sheegay in ay isku afgarteen in xisbi waliba 6 xubnood soo magacaabo isla markaana la isku lafo guro arimaha doorashooyinka mawqif-na la isku af garto.

Sidoo kale Guddoomiye Cirro ayaa ka Hadley booqashada uu madaxweynaha Maamulka Garoowe oo ku yimid magaalada Badhan ee gobalka Sanaag waxaana uu booqashadaasi ku sifeeyey mid dhawaaci karta wada hadalkii nabadeed ee beesha caalamku ka dhex waday Somaliland iyo Soomaaliya.

Ugu danbeyn Gudoomiye Cirro ayaa ka hadley Xeera Kufsiga waxaana uu sheegay in dastuurka dalku dhigayo in wax kasta oo diinta ka hor imanaya aaney sharci aheyn, isla markaana hadii uu ilduuf jiro ay tahay in laga saaro oo la saxo.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/1_1mMciUwhc

 

COMMENTS
LINKS