ONLF iyo Itoobiya oo Isku Afgartay In Wadahadallada La Sii Wado | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
ONLF iyo Itoobiya oo Isku Afgartay In Wadahadallada La Sii Wado
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Asmara (WJN)- Afhayeenka Jabahada ONLF C/ Qaadir Xassan Hirmooge ( Caddaani) oo BBC-da u warramay ayaa wuxuu sheegay iney jabhaddu marnaba ka tanaasuleyn mowqifkeedi ahaa iney gooni iisu taagto.

Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eritrea waxaa shalay ku qabsoomay wadahadal ay yeesheen xukuumadda Itoobiya iyo jabhadda ONLF, halkaas oo ay labada dhinac ku kala saxeexdeen heshiis is fahan ballana ay ku qaateen in ay sii wadaan wada xaajoodka.

Wadahadalka Asmara ee Itoobiya iyo ururka ONLF

Caddaani Hirmooge oo ah afhayeenka ONLF ayaa wuxuu sheegay “heshiis iyo is-afgarasha kasta oo dhacda iney ururka ONLF uu amarnaba ka tanaasuleyn hadafkii aaya ka talinta ee ay ONLF muddo u soo halgameysay”.

Wuxuuna intaa ku daray “in aaya ka talintu uu shacabku iska leeyahay waana xaq caalami ah oo qaanuuni ah, xeerarka Itoobiya iyo Kuwa caalamigaba wey qorayaan waana xuquuq caalami ah oo ay qowmiyad kasta leedahay oo markay rabto ay adeegsan karto marka xaqa aaya ka talinta weligii aan laga tanaasuleyn”.

Maxay isku afgarteen Itoobiya iyo ONLF iney ka wada hadlaan?

Caddaani Hirmooge afhayeenka ururka ONLF wuxuu sheegay “Waxayaabaha Itoobiya ay u gudbyen ajanda ahaan oo ay ka wada hadli doonaan iney ka mid tahay aaya ka talinta oo ay wadahadalka ku jirto”.

Wadahadalka ballaadhan ee maalamaha soo socda billaambi doona qodobbada aan kaga wada hadli doonnana waxaa ka mid ah ayuu yidhi:

1.In la isku soo horfadhiisto wadahadallo ay Itoobiya iyo ONLF ay daacad ka yihiin.

2.In laga wada hadlo waxa ay dadka Soomaaliyeed tabanayeen oo ay u dagaallamayeen ayna ku diiddanaayeen Itoobiya oo ah iney aayahooda ka tashadaan.

3.Dhibaatooyinka shacabkaasi la gaadhsiiyey iyo magdhawga ay leeyihiin

4.Arrimaha ciidmada ee labada dhinac.

5.Xuquuqda siyaasadeed iyo midda dhaqaale ee ay leeyihiin

6.Xuquuqda haybta (identity) ee ay leeyihiin.

7.Arrima badan oo ay ka mid yihiin amniga, xuquuqul insaanka iwm.

Sideey iskula jaanqaadayaan ONLF iyo Maamulka cusub ee deegaanka ka dhashay?

Mudane caddaani waxaa uu sheegay iney maamulka cusub ay si wanaagsan isula jaanqaadayaan wadahadallada ay yeesheenna ay si weyn isugu fahmeen.

Wuxuuna sheegay maamulka cusub ee deegaanka ka dhashay iney ka wadahadleen danta umadda soomaaliyeed ee deegaanka ay leedahayna ay isku sina u arkeen.

Waxayaabaha aan isla meel dhignayna waxaa ka mid ah ayuu yidhi:

1.Xaqa ay Soomaalida ku dhax leeyihiin Itoobiya.

2.Mideynta dadka Soomaaliyeed.

3.Iskaashiga umadda Soomaaliyeed inuu daruuri yahay.

4.Waxa umadda Soomaaliyeed ka maqan oo aan isku si u aragnay.

Ururka ONLF iyo ururo kale oo hubaysan oo dawladda Itoobiya dagaal kula jiray laga saaray liiskii argagixisanimada ee muddada dheer ay ugu jireen xukuumadda Ethiopia.

COMMENTS
LINKS