Kow iyo toban jirkii gilgilay quluubta Malaayiinta ruux ee reer Hindiya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kow iyo toban jirkii gilgilay quluubta Malaayiinta ruux ee reer Hindiya
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Sawir laga qaaday wiil yar oo ilmada iska tirtiraya isagoo ag taagan meydka Aabihii ayaa qabsaday baraha bulshada ee dalka India, taasina waxay sababtay in qoyska wilkaasi yar hal maalin oo kali ah loogu aruuriyo lacag gaadheysa 43,829 oo dollar.

Sawirkaas ayaa barta twiterka la’iskula wadaagay in ka badan 7,000 oo jeer.

Anil oo 27 jir ah ayaa ka shaqaynayay goobaha ay bulaacaduhu maraan ee magaalada Delhi, wuxuuna dhintay isagoo shaqada ku jira, ka dib markii uu u go’ay xadhig uu adeegsanayay.

Wiil yar oo ku dul ilimeynaya meydka Aabihis

Waxaa lagu qiyaasaa in in ka badan 100 qof oo marinnada bulaacadaha ka shaqeeya ay sannad walba ku dhintaan dalka Hindiya iyagoo shaqada ku jira, taasina waxaa loo aanaynayaa in shaqaaluhu aysan haysanin qalab tayo leh oo ay ku shaqeeyaan.

Shiv Sunny, oo ah weriye u shaqeeya wargeyska Hindustan Times, oo sawirka soo dhigay bartiisa Twiterka ayaa BBC u sheegay in uu aad uga ‘naxay’ wiilkan yar ee 11 jirka ah ee ku dul ooyaya meydka aabihii.

”Waxaan ahay weriye ka warrama arrimaha dambiyada, waxaan arkay masiibooyin badan lakiin waligey maanan arkin tan oo kale” ayuu yidhi, Mr Sunny oo ah sawir qaadaha.

Shiv Sunny wuxuu sheegay in sawirka uu qaaday, daqiiqad ka hor inta aanan la aasin Anil oo qoyska uu ka dhasahay ay xitaa awoodi waayeen in ay iska bixiyaan qarashaadka ku kacayay aaskiisa, wuxuu sheegay inay gacan ka geesteen dadka dariska la ah.

Qoyska Anil ayaa sheegay in todobaad ka hor uu dhintay wiilkisa oo 4bilood jiray, wuxuuna u dhintay oof wareen kadib markii ay waayeen lacagtii ay daawooyinka ugu iibin lahaayeen.

Shiv Sunny waxa uu rajeynayaa in carruurta Anil ay hadda yeelan doonaan mustaqbal madaama loo aruuriyay lacag laga yaabo in ay waxbarashadooda ku filnaato.

 

 

COMMENTS
LINKS