Sool: Shaki Laga Muujiyay Isticmaalka Talaagadaha Shaaha Lagu Shubto | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sool: Shaki Laga Muujiyay Isticmaalka Talaagadaha Shaaha Lagu Shubto
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN) – Boqolaal talaagadood ayaa lagu burburiyay degaanmo kala duwan oo ka mid ah gobolka Sool kadib markii la sheegay in cudurka Kansarka lagu faafinayo.

Arintan ayaa ka bilaabantay muuqaalo iyo qoraalo lagu faafiyey baraha bulshada oo ka digaya isticmaalida qaar ka mid ah talaagadaha kulaylka kaydiya.

“Waxaan furay 48 talaagadood waxaana ka soo saaray sadex xabo oo kiniin ah oo qolofka iyo quraarada u dhexeeya, mana garanayno waxa ay u qabanayso” sidaa waxaa sheegay Ismaaciil Yuusuf Kaalfooto oo bare ka ah dugsiga god’aalo ee degmada Taleex.

Sidoo kala magaalada Laascaanood ayaa dad badan ay baabiiyey talaagadaha iyagoo sheegay in aanay dib u istiaali doonin.

Arintan ayaa dalalka carabta qaarkood si aad ah loo hadal hayaa iyadoo dalka Cumaan uu dhowaan mamnuucay talaagadaha lagu farsameeyo dalka Shiinaha taas oo dadka ganacsiga ku xeeldheer ay ku fasireen in ay tahay xiisada dagaalka dhaqaale ee dalka Shiinaha lagula jiro.

Ma jirto cid si dhab ah uga waranta xaladan caafimaad ee ka dhalan karta isticmaalka talaagadaha madaama ilaa iyo hadda aan jirin baadhitaano lagu sameeyay.

 

COMMENTS
LINKS