“Dalkeena Wada-jir Baynu Ku Dhisnay, Waxaanan Aaminsanahay Inaynu Ka Gudbi Karno Wax Kasta oo Inaga Hor Yimaada”.Faysal Cali Waraabe | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dalkeena Wada-jir Baynu Ku Dhisnay, Waxaanan Aaminsanahay Inaynu Ka Gudbi Karno Wax Kasta oo Inaga Hor Yimaada”.Faysal Cali Waraabe
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe,  oo ka hadlay kulan ay isugu yimaadeen hogggaanka axsaabta qaranka iyo Xukuumada, oo lagaga hadleyay sidii Doorashooyinka Wakiilada iyo Deegaanku u qabsoomi lahaayeen wakhti goodii, ayaa si qoto dheer u sharraxay muhiimadda ay leedahay inay bulshada reer Somaliland isku duubni iyo wada-tashi kaga gudubto wax kasta oo ka hor yimaadda, waxana uu hoosta ka xarriiqay in caqabad kasta oo timaadda wada jir lagaga bixi karo.

Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiiga UCID Eng: Eng Faysal Cali Waraabe ayaa waxaa uu si adag uga hadley socdaalaka Madaxweynaha Maamulka Garoowe ku yimi magaalada Badhan ee gobolka Sanaag, Isagoo socdaalkaasi Cabdiwali Gaas ku tilmaamay daandaansi iyo in deegaanadaaasi dagaal kale ka qarxo.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/QNPLmxYviEQ

 

COMMENTS
LINKS