“Qaylo Dhaanta Faysal Anigu Waxan Leeyahay Yaan Dheg Loo Dhigin, Waayo Ciidan Somaliland ah Oo Dad Rayid ah ku Weerara Gurigoodii Wax Uunbay Sii Xumaynaysaa”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qaylo Dhaanta Faysal Anigu Waxan Leeyahay Yaan Dheg Loo Dhigin, Waayo Ciidan Somaliland ah Oo Dad Rayid ah ku Weerara Gurigoodii Wax Uunbay Sii Xumaynaysaa”Cali Guray.
September 19, 2018 - Written by Editor:

“Imaatinka Gaas Uu Yimid Badhan Somaliland Waxay Yeelaysaa Ma Jirto, Hadii Somaliland ay Doonayso In Aanu Imanin Marka Hore Maamulka  La Gaadhsiin Lahaa”Cali Guray.

HAYGU TUMIN DURBAANADA

Gaas Ayaa Badhan Yimid Aniga Wax Micno ah Iima Samaynayso Waayo Marka Hore Waan Ogahay in ay tahay Dhulka Weli ka Baxsan Gacanta Somaliland Eenu weli maamulkeedu gaadhin. Laba wuu yimi wuu tegay baa xigi oo ku raagi maayo danta uu ka leeyahayna waa olole siyaasadeed oo Puntland dhexdeeda ah maadaama muddo xileedkiisi uu dhamaaday xaaladduna ay jiq ku tahay oo musharixiin cusubi ay ku soo kordheen saaxadda tartanka sida Ina Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo kale. Kolay Gaas isagu ma soo noqon doono sida aan filayo nin Cumar Maxamuud ahna iman maayo Ciise Maxamuudna doorkii hore ayay ku dambeeyeen. Markaa hadii sida caadada ahayd nin Maxamuud Saleebaan ah uu noqonayo Madaxwaynaha soo socda ee Puntland wuxu noqon doonaa Cismaan Maxamed hadii aan doorkan sidii hore wax iska bedelin oon cid kale la keenin. Ilaa hadda sedexda reer ee waawayn xaga faraha marka laga eego cid aan ahayn oo Puntland Madaxwayne ka noqotay ma jirto.

cali guray iyo faysal

Markaa imaatinka Gaas uu yimi Badhan Somaliland waxay yeelaysaa ma jirto, hadii Somaliland ay doonayso in aanu imanin marka hore maamulka Somaliland ayaa la gaadhsiin lahaa amnigeedana waxa si buuxda gacanta ugu dhigi lahaa Ciidamada Amniga Somaliland. Markaa anigu ma qabo in imaatinka Gaas ay Somaliland jawaab uga dhigto weerar ay ku qaado Badhan oo dadka ku nool oo dhami ay yihiin muwaadiniin Somaliland ah dawladdana xil ka saaran yahay nabadgelyadooda. Laakin ku raagi maayo eh markuu ka tago waa hawl u taal dawladda Somaliland iyo shacbiga Sanaag Bari in khilaafka hor taagan in Sanaag Bari uu gaadho maamulka Somaliland waa khilaaf siyaasadeed eh sidii loo dhamaystiri lahaa wada hadal ha ku dhameeyaan.

Qaylo dhaanta Faysal anigu waxan leeyahay yaan dheg loo dhigin waayo Ciidan Somaliland ah dad rayid ah oo Somaliland ah ku weerara gurigoodii wax ku sii xumaada mooyee wax ku wanaagsanaan doonaa ma jiro. Lakiin dhaqdhaqaaq ciidan oo jiida laga dareemaa waa laga yaabaa inu soo dedejiyo ka noqoshada Gaas ee Badhan hadii aanu wax kale u jeedin. Markaa ilaa la hubiyo ciidamo Puntland ah (Majeertaan) oo si rasmi ah ugu soo guuray Bariga Sanaag wixii kaleba waa musqaro waana arin loo arki karo uun Somaliland dhexdeeda.

 

Qalinkii; Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

 

COMMENTS
LINKS