Xidhiidhka Dawlada Israaiil Iyo Carabta W/Q: Khadar Ibrahim | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xidhiidhka Dawlada Israaiil Iyo Carabta W/Q: Khadar Ibrahim
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Asalaamu Calaykum Waraxmatulaahi Wabarakaato.

Sida loo wada ogsoon yahay aduun weynaha waxa ka dhaxeya waa xidhiidh amba siyaasadd laysla wadaago, xidhiidhka doblumasiyadeed marar qaarkood uma baahna xita in dalkaaga ay sifaarad dalka kale aad la rabto xidhhiidh in ay khasab ku ahayen, waxaana taasi ka dhex dhacday dalal rabay in xidhiidh doblimaasiyadeed la samiyaya dawlada israaiil oo ay ka mid yihiin dalalka carbeed,waxaana been umadooda ay u sheegaan dalalkaasi in wax xidhiidh ah lalahayn dalka israaiil.

Wargeyska baaca dheer ee ka soo baxa wadanka Maraykanka ee lagu magacaabo New York Times ayaa maalintii jimcaha ahayd ee 14 Jully 2017-ka waxa u daabacay warbixin uu u ugu magac daray  Israel’s Secret Arab Allies, Carabta gacansaarka Qarsoon la leh Israa’iil , isaga oo kaga waramay wadamada carabta ah ee isku deyeya inay hagaajiyaan xidhiidhka ka dhexeeya iyaga iyo wadanka Israa’iil,warbixintan oo u diyaariyey nin lagu magacaabo NERI ZILBER oo ku caan baxay cilmi-baadhisyada iyo qoraalada dhaqanka…Halkan riix si aad u aragto macluumaad kooban oo ku saabsan qoraaga …..https://www.nerizilber.com/about oo warbixinada u qoro lagu daabaco wargeysyada waaweyn ee reer galbeedka sida Foreign AffairsThe AtlanticNew RepublicThe GuardianWashington PostIHS Jane’s, Foreign PolicyThe Daily Beast iyo Politico Magazine, ayaa wuxuu warbixintan kaga waramayaa dalalka sida joogtada ah ay u wada sheqeeyaan dalka Israa’iil ee carabta ah isaga oo tilmaamay in mudooyinka soo socda dawlada Israa’iil ay heli doonto xidhiidh fiican iyo jaar wanaagsan oo ah dadka markii hore cadawga u ahaa.

Sidoo kale wuxuu warbxintan aad ugu qaada-dhigay xidhiidhka ammaan ee ka dhexeeya dalka Israa’iil iyo dalka Urdun, waxaana xidhiidhka asaasay boqorkan awoogay ahaa boqor cabdalle iyo aabihiis boqor xuseen.dhowr jeer ayay ku badbaaday dalka urdun wakhtiyadii dagaalada 1956- 1967- 1973- oo soo waajahaday dagaaladaasi dalalka la jaarka ah israaiil .

Maamulada ay xidhiidhka weyn la leeyihiin waxa kale oo uu ku sheegay madaxda ismaamulka Falastiin oo ay iska kaashadaan siddii argagarixasada loola dirir lahaa sida ururka Xamaas oo labadooda cadaw u ah iyo ururada kale, warbixintu waxay aad hoosta uga calaamadisay in dalka Masar iyo Israa’iil xidhiidh weyn oo dhinaca ammaanka ah uu ka dhexeeyo, xidhiidhkaas oo keenay in sannadkii 2016-kii ay duqeyeen diyaaradaha Israa’iil meelo ka mid ah gudaha dalka Masar, iyo xishiisyadda ganacsiga ee u dhexeya laba dal, waxaana intaas ku racsan in labada dal wadaagaan sifaarado.

Wadamada Khaliijka ayaa iyaguna siday warbixintu xustay doorkooda ciyaaraya kuwaas oo waqti xaadirkan sii kordhiyey xidhiidhkooda ay Israa’iil la leeyihiin sababta keentayna ay tahay iyaga oo cabsi badan ka qaba dalka Iran, si aynu arrintaa u sii fahano waxa u wargeyska Israa’iil ee Haaretz qoray in madaxii sirdoonka ee dalka Israa’iil Meir Dagan u booqasho sir ah ku tegey dalka Sucuudiga isaga oo madaxda dalkaas ay ka wada hadleen arrimmaha nuclearka ee dalka Iran, waxayna ku tusaysa khatarta ay ku jirto qoyska boqotooyadda sucuudiga oo baahi u qaba xidhiidh lasameyaan israaiil.http://www.haaretz.com/israel-news/1.801194….. Qoraaga warbixintani wuxuu ku tilmaamay arrimahan oo dhan inay sidii hore ka degdeg badan yihiin marka la eego dhaqdhaqaqyada dublamaasiyadeed ee carabta iyo Israa’iil dhex socda arrintaasna u madaxweynaha Maraykanku ku tilmaamay guul u soo hoyatay adduunka oo dhan.

Taasna waxa ka horeyay xidhiidhkii dalka israaiil iyo qadar oo bilaambay sanadkii 1996 oo xafiis ay dawlada israaiil ka samaysatay dooxa. Imikana sida la sheegayo in ay dawlado kale sida baxrayn iyo imaraadka u haraadsan in xidhiidh la sameyaan dawlada israaiil.

Dalal kale oo carbeedna way jiraan oo israaiil xidhiidh wanaagsan ka dhaxeyo sida morooko iyo muritaaniya iyo lubnaan. Isku soo wada duub maqaalkane wuxuu ku tusaya in dalalka carbeed ku fashilmayn siyaasadii iyo dagaalkii ay ku wadayen dalka israaiil oo u hadhsan in ay ku ictiraafaan israaiil oo dawlad ah.

 

Qalinkii: Khadar Ibrahim 

COMMENTS
LINKS