“Somaliland Ma Ogola Dawladnimada Somaliya, Waxaanay Sheegataa Inay Ka Madax Banan Tahay”.Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Ma Ogola Dawladnimada Somaliya, Waxaanay Sheegataa Inay Ka Madax Banan Tahay”.Siyaasi C/raxmaan Cabdishakuur
September 19, 2018 - Written by Reporter:

Nairobi (WJN)- Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ah gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir oo lala yeeshay waraysi xaasaasiya oo dhinacyo badan taabanaya ayaa waxaa uu kaga hadley arrimo door ah oo ay ka mid yihiin, jahwareerka Siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, Wadahadalada u dhaxeeya dawlad goboleedyada iyo dawlada dhexe.

Sidoo kale Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar waxlaga waydiiyay Xisbigiisu deegaanada uu ka diwaan gashan yahay ayaa waxaa uu sheegay in dhamaan gobolada Soomaaliya oo dhan uu ka diwaan gashan yahay, Isagoo dhanka kalena xusay in aanu xisbigiisu ka diwaan gashanayn deegaanada Somaliland oo uu sheegay in Somaliland aanay ogolayn dawladnimada Soomaaliya oo ay sheegato inay ka madax-banaan tahay.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka waraysiga

 

 

COMMENTS
LINKS