WAJAALE NEWS

Xisbiga Waddani oo Xukuumadihii Kala Danbeeyay Ee Kulmiye Ku Eedeeyay Inay Sabab U Yihiin Imaan Shaha Madaxweynaha Maamulka Garoowe Ku Yimi Badhan

Hargeysa (WJN)- Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed “Dahab” oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Xisbiga Waddani ayaa waxa uu xukuumadihii kala danbeeyay ee xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay sabab u yihiin imaan shaha Madaxweynaha Maamul goboleedka Garoowe oo maalintii shaly ahayd ku yimid magaalada Badhan ee gobolka Sanaag.

Dhinaca kale Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed ayaa waxa kale oo uu sheegay in xukuumadihii kala danbeeyay ay ka gaabiyeen mashaariico horumarineed oo ay deegaanadaasi ka fuliyaan, Taas badalkeedana Cabdiwali Gaas uga faa,idaystay mashaariico horumarineed oo bulshada deegaanadaasi u qabto uu ku hanto quluubta bariga bogolka Sanaag.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

 

Exit mobile version