Maxay Soomaalidu U Jejibinayaan Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Soomaalidu U Jejibinayaan Falaasadaha Shaaha Lagu Shubto?
September 20, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa  (WJN)- Saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada lagu wado xidhiidho waxaa siweyn u qabsaday muuqaalo ku saabsan weerar iyo bur burin ba’an oo ay dadka ku hayaan falaasadaha Shaaha lagu shubto, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku dhex- jiro kiniin la sheegay in laga qaadayo cudurka Kansarka.

Qoysaska qaar ayaa markii ay maqleen warkan durbaba  ku qamaamay falaasadihii guryaha u yaallay, iyaga oo ka baadhaya kiniinka la sheegay in uu ku dhax-qarsoon yahay laakiin dhamaan Falaasyadu waxaa ay ka sinnaayeen in laga dhax-helay aalad yar oo u sameysan sidii kiniinka oo kale laakiin lagu sheegay in ay tahay mid ka ilaalineysa quraarada ku jirta falaasta si aysan qarax u sameyn marka lagu shubo shaaha oo ah biyo kulul.

Dadkan oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arintan shaki weyn ka qabaan islamarkaana wixii hadda ka danbeeya adeegsan doonaan oo kaliya Jilmada lagu kariyo Shaaha oo sida ay sheegeen uga maarmi doonaan isticmalka Falaasadaha.

Laakiin isla qaar kale oo bulshada ka tirsan ayaa sheegay in arintani u muuqato mid waali ah oo aan waxba ka jirin, iyaga oo ku sababey-naya in dhamaan Falaasadihii la jabiyay laga helay hal maado oo isku mid ah taasoo muujineysa in ay tahay mid la socta farsamada Falaasyadu u sameysan yahay.

Ma’aha oo kaliya gudaha dalka Soomaalida ee xitaa sheekada ku saabsan bur-burinta Falaas-yada ayaa gaadhay gobolada kale gaar ahaan deegaannada ay Soomaalidu ku dhaqan yihiin sida magaalada Gaarisa oo ay dadku burburinayaa Falaas-yadii u yaalay guryaha makhaayadaha .

 

COMMENTS
LINKS