Tareen laayay ciyaal iskuul | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tareen laayay ciyaal iskuul
September 20, 2018 - Written by Reporter:

Afar ciyaala oo ku sugnaa xarun carruurta lagu xannaaneeyo oo ku taalla dalka Netherlands ayaa dhintay ka dib markii uu dhacay shil tareen.

Markii uu shilku dhacay ayaa carruurta loola cararay isbitaal iyaga oo la saaray baaskiil.

Ilmo shanaad iyo haweenay ayaa isla shilkaas aad ugu dhaawacmay.

Macluumaad badan lagama hayo waxa sababay shilkaas.

Carruurta dhimatay ayaa da’da iskuulka hoose ku jiray, dalka Netherland marka la eegana carruurtu afar sano ayay iskuulka ku billaabi karaan.

Goobta uu dhibka ka dhacay oo ay wada adeegsadaan tareenka iyo dadka ayaa leh shay kala haga, balse warar aan la xaqiijinin ayaa sheegaya in haweenay baaskiil wadata ay ka hoos dustay birtii waxyaabaha kale celinaysay inta tareenku marayo waddada.

Qof goob jooge ah ayaa sheegay in 15 gaadhi ay meesha taagnaayeen marka uu baaskiilku dhaafay, sida ay ku warrantay barta internetka ee Volkskrant.

 

COMMENTS
LINKS